Dr Abdi Gele oo ka hadlay Khatar wayn ee dul saaran jaaliyadaha Soomaliyeed ee Qurbaha.

0
Sunday December 13, 2015 - 19:58:35 in Maqaallo by
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Abdi Gele oo ka hadlay Khatar wayn ee dul saaran jaaliyadaha Soomaliyeed ee Qurbaha.

    Waxaan arkaa khatar wayn ee kusoo foole mustaqbalka jaaliyadaha soomaaliyeed ee dagan galbeedka.darasaad dheer iyo u kuur galid farabadan hufid iyo u fiirsasho qodo dheer kadib. waxaan ogaaday in xooga jaaliyadaha soomaaliyeed ee dagan yurub iyo amee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan arkaa khatar wayn ee kusoo foole mustaqbalka jaaliyadaha soomaaliyeed ee dagan galbeedka.darasaad dheer iyo u kuur galid farabadan hufid iyo u fiirsasho qodo dheer kadib. waxaan ogaaday in xooga jaaliyadaha soomaaliyeed ee dagan yurub iyo ameerika ay yimaadeen bilawgii 1990 kii waana mudo ah rubuc qarani 25 sanadood ayuu yiri Dr Abdi Gele. Dadka waxaan ukala qaybinaynaa laba jiil oo kala ah jiilka koobaad iyo kalabaad isla mar ahaantaana waxaa laba ukala qaadaynaa jiilka koobaad. Jiilka 1aad labada waalid ee yimid dalalkan waxay guriga ku hadlaan af-soomaali 100% markay labada waalid sheekaysanayaan,markaysa caruurta lahadlayaan waxay kula hadlaan af-somaali 70% caruurtooduna waxay ku hadlaan markay dhexdooda yihiin afka dalka ay joogaan 100% kuma wada hadlaan af-soomaali. guryahani waa qoysaska soomaaliyeed ee dagan galbeedka mudadaas ah 25 sanadood.

Hadaan eegno Jiilka koobaad ee dalalkan u soo guuray laakiinse yimid 6 sanadood mudo laga joogo waxa ay labada waalid ku hadlaan dhexdoodu af-soomaali ilmahana waxay kula hadlaan af-soomaali 100%. caruurtoodu waxay iskula hadlaan af-soomaali 75%. guryahan wali afsoomaaligu waa ku xoogan yahay.

Kuwaas aan kor ku soo xusnay waa Jiilkii 1aad oo ahaa laba kooxood. bal aan eegno Jiilka 2aad ee ay dhaleen jiilkii 1aad ee yimid 1990 kii. caruurtii dhaltay 1991-95 ee ku dhaltay dalalkan dibada ah ee loo sooguuray waxay yeesheen qoysas markaa aan eegno guryahooda. jiilkan 2aad dhexdooda waxay ku hadlaan 0% af-soomaali markay wada hadlayaan dhexdoodu waxayna ku hadlaan afka dalka ay dagan yihiin 100%. hadaba iska garo xaalka caruurta ay iyagu dhaleen waxaad arkaysaa in aysan maqlaynba xataa kalmado iyo dhawr eray oo af-soomaali ah wax kalaba daayoo.caalamadahan waxay muujinayaa marka jiil cagta la helay wadadii gaynaysay dabar go iyo ku millmida.

Hore ayaynu u sheegnay in hadii lawaayo afkii hooyo af-soomaali in qofku jeclaysanayo oo weheshanayo cidaas uu ku afka yahay, isagoo ka fogaanaya halkii uu u dhashay oo kasoo jeeday, maadaama uusan af-garanayn oo ah uusanba dhaqan garanayn. markaa wuxuu kamid noqon kuwa uu afkooda iyo dhaqankooda yaqaan, iyaguna dhawaan waxay u sheegayaan in uu san lahayn afkan iyo dhaqankan. dabadeedna waxaa ku adkaan in qofku is helo cida uu yahay!!! halkan waxaa ka imanaya niyad jab iyo lamayaqaan. tani waxay keentaa niyad jab,isla hadal,isku kalsooni daro,is yasid,walbahaar yaan ahay ah, waali iyo faldamiyeed galid,bulshada ka takoormid,cuqdad, anfariir iyo amakaag.

Culimadu waxay ogaadeen in qofku nasab la aan uu san ahaan karin lamayaqaan!! waa in qofku helaa cid uu yahay oo lagu gartaa loona yaqaan.ma ogtahay dad badan oo soomaaliyeed in aysan ogayn amaba aysan ku baraarug sanayn khasaaraha iyo musiibada qofeed,qoyseed,qabiileed,qaraneed ee ka dhaln karta afka hooyo af-soomaaliga oo kaalumaa.qof nimadaadii baa meesha kabaxaysa guud ahaanba waxaadna noqonaysaa lama yaqaan.arimahan ayaa hadaba keenay in ay jaaliyadaha ilbaxa ah ee kasoo jeeda hindida,yuhuuda,yeman,suuriya iyo libanaan ay isu tageen dhisteen goobo kulan isla markaana ay bulshadoodii gacmaha is qabsadeen lana hufo afafkoodii oo markii iskoolada laga yimaad subixii lagu barto afka dalka ayku nool yihiin hadna galbihii goobahooda ku bartaan afkooda hooyo tani waxay dhaxal siisay in jiilba jiil ugudbiyo oo afkii wali noolyahay. marhadii afkii noolyahay dalalkoodiina xiriirkoodii waa noolyahay ayaga jiritaan koodiina waa noolyihiin waadna aragtaan.

waxaa intaa dheer waxay si fiican ula qabsadeen afafka dalka ay joogaan waxna waa kabarteen ayagoo aan ka tagin koodii oo ku dadaalaya sidan ayaa ah sida u fiican labada bulshaba kan dalka iska leh iyo kan u soo guurayba.maxaa yeelay waa lagama maarmaan in labarto afka dalalka loo soo guuray,la ilaaliyo sharcigooda iyo dhaqankoodaba isla mar ahaantaana laga shaqaysto wax laga qabsado waxna laga barto. dhanka kalana la ilaashado dhaqankaaga iyo afkaaga oo ah dadnimadaadii cidkuu diidana ma jirto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip