Warar ku saabsan Ceelka Geelow

0
Monday January 15, 2018 - 10:25:14 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar ku saabsan Ceelka Geelow

    Ciidamada Dowladda Federaalka oo aad u hubeysan ayaa saakay Howlgal baaritaano iyo amni xaqiijin ah ka wada degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degaanka Ceelka Geelow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Federaalka oo aad u hubeysan ayaa saakay Howlgal baaritaano iyo amni xaqiijin ah ka wada degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degaanka Ceelka Geelow.

Degaanka Ceelka Geelow shalay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeyay Ciidamada Dowladda iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab oo degaanka weerar ku soo qaaday.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, maadaama weerarka Shabaab ay soo qaadeen uu ahaa mid gaadmo ah, Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa mudo kooban la sheegay in ay la wareegeen degaanka, balse dib ay uga baxeen.

Ciidamo gurmad ah oo ka yimid magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa gaaray degaanka, waxayna saakay wadaan baaritaano, iyaga oo ku daba jira raggii weerarka soo qaaday iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar kale inuu dhaco.

Shabaab ayaa u muuqda kuwo kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad gaar ahaan degaanka Ceelka-Geelow, maadaama laba Todobaad gudihiisa ay weerareen laba jeer.

Waxaad kaloo ogaataa Kulan shalay ay ku yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle magaalada Jowhar ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga gaar ahaan wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip