DHAGEYSO: Isbedal ku yimid Cimiladda Muqdisho

0
Sunday January 14, 2018 - 10:00:58 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Isbedal ku yimid Cimiladda Muqdisho

    Shaki kama taagnaa inuu jiro isbedel dhanka cimilada ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Isbedelka weyn ee dhanka Cimilada ee la dareemay ayaa ah habeenkii oo dadka areer Muqdishoi ay dareemaan qabow badan oo qar qaryo wata, horay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaki kama taagnaa inuu jiro isbedel dhanka cimilada ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Isbedelka weyn ee dhanka Cimilada ee la dareemay ayaa ah habeenkii oo dadka areer Muqdishoi ay dareemaan qabow badan oo qar qaryo wata, horay uma aysan arki jirin dadka reer Muqdisho qabowga noocaan oo kale ah.

Sidoo kale maalintii waxaa ka jira Magaalada dabeyl badan oo carada kicinaysa, waana mida keentay dhaqdhaqaaqa socodka dadka maalintii inuu gaabis noqdo, qof walibana uu ku ekaado goobtiisa shaqada gurigiisa iyo meesha uu ku sugan yahay.

Inta ugu badan dadka oo ah kuwa ka shaqeeya goobo kala duwan oo Magaalada ah ayaa qabowga aroortii jira wuxuu saameeyay jadwalkooda shaqada, maadaama ay ku adkaatay inay kacaan subaxdii xilli hore.

Qaybaha Bulshada oo isugu jira kuwa shaqaale ah iyo kuwa aanan shaqaale aheyn oo xarumaha shaqada milki u leeyihiin, ayaa dadka milkiyada leh goobaha shaqada waxa ay sheegayaan hurdada inay ku gaaraan illaa 9-saac Subaxdii iyaga oo ka kici waaya hurdada, sababo ku aadan qabowga subaxdii ka jira magaalada.

Marka laga hadlaayo dhulka Soomaalida Muqdisho waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu wanaagsan dhanka Cimilada ee aan qabow iyo kuleyl midna aheyn, maadaama cimiladadeeda dhexdhexaad ay tahay.

Dadka ku taqasuusay arrimaha isbedbedelka Cimilada, illaa hadda sabab rasmi ah kuma sheegin isbedelkaan dhanka Cimilada ah ee laga dareemay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sameynta uu ku yeeshay qabowga.

Audio Player

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip