Falanqeynta Maanta: Doorka saxaafada iyo dib u heshiinta shacabka soomaaliyeed

0
Saturday January 13, 2018 - 19:48:40 in Wararka by
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Maanta: Doorka saxaafada iyo dib u heshiinta shacabka soomaaliyeed

    Xirfad layaasha saxaafadu waa inay taageertosafarka madaxweyne Farmaajo ku marayo deegaanada ay u qaxeen dadkii ka cararay dhibaatada dagaalka sokeeye. Si dadka loogu dhiiri galiyo inay degaan kooda horumar ka sameys taan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xirfad layaasha saxaafadu waa inay taageertosafarka madaxweyne Farmaajo ku marayo deegaanada ay u qaxeen dadkii ka cararay dhibaatada dagaalka sokeeye. Si dadka loogu dhiiri galiyo inay degaan kooda horumar ka sameys taan.

Maxaad ka xasuusataa dhaqanka dagaalka sokeeye?

Dagaaladii sokeeyay ee Soomaaliya sida bulshada caalamku buugtooda ku Qoreen
waxa uu caasimada moqdisho ka bilowdey bilowgii sanadkii 1991.

kaasoo inta badan lahaa dhibaatooyin keenay Gaajo iyo Barakac weyn Dagaalka sokeeye wuxuu dhaliyay degenaasho la’aan iyo nolol la’aan oo 23 sano gaartay.Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale woo isbedelaayay. Wuxuuna isku badalayey khilaayo kala duwan oo ku dhisan iska hor imaad gacan ka hadal ah.

Wixii ka danbeeyay 2000 dalka waxaa soo galay ciidamo shisheeye, sida kuwa itoobiyaanka iyo ciidamda amisom oo taageero u fidiyo Dawladda maanta jirta dagaalkii sokeeye ee soamliya waxa uu ahaa mid ku yimid Taariikh hore oo ah. Khalad siyaasadeed oo Madaxda soomaaliyeed gashay.

Hadalka uu sheegay Madaxweyne Farmaajo ee ah is qabqabsiga siyaasadeed ee soomaaliya ku jiryo waqtiga dheer waa dhibaatada uu reerbay dagaalka sokeeye.

Waxaa loo baahan yahay. in dawlada madaxweyne Farmaajo wax kabarato


khaladaadkii hore ee madaxdii isaga ka horeysa bulshada dhex dhigtay.

Waxaan Falanqeyn tayda farta ku fiiqayaa waa in bulshada soomaaliyeed iyoMadaxdoodu waa inay ogolaadaan in wax kasta oo khilaaf ah wada hadal lagu dhabeeyaa. Dood wadaaga madasha la badiyaa saxaafadana loo isticmaalo wacyi galinta dood wanaaga iyo Rayi ‘arurinta.

Wadankasta waxaa shacabkooda dhiiri galiya bahda saxaafada oo tusta waxa saxda ah iyo waxa khalad ka ah.

Waxaan bahda Saxaafada usoo jeedinayaa inay ka waantoobaan usu jawaabida iyo kala qoqobida bulshada soomaaliyeed ee daalan ayna xaqiiqada uga war bixiyaan wacyi gelinta dadka soomaaliyeed Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa Bahda saxaafadu waa inay bulshada tustaa waxkasta oo wanaagsan ,

Sida wax-soosarka dhulkeena, nadiifinta magaaloyinka waweyn, iyo degmoyinka ilaa xeer tuulo , shaqo abuurka iyo horumariinta bulshada, joojinta qabyalada ladagaalanka musuq maaduqa .ladagaalanka In gabdhaha in la faraxumeeyo. Tixgalinta sharciga taageerida diinta islaamka iyo dhaqanka iyo luqada soomaaliyeed.

Doorka bahda saxaafadu waa u muhiim in dib u heshiin soomaaliyeed lahelo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip