Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii Siilaanyo oo beeraley noqday

0
Saturday January 13, 2018 - 10:34:37 in Wararka by
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii Siilaanyo oo beeraley noqday

    Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Cumar Shuceyb Maxamed, ayaa ka mid noqday Beeraleyda ku nool deganada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Cumar Shuceyb Maxamed, ayaa ka mid noqday Beeraleyda ku nool deganada Somaliland.

Cumar Shuceyb ayaa todobaadkii saddex maalin oo ka mid ah wuxuu beer ku fashaa degaanka Sheelane oo 37-KM u jirta Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

Cumar Shuceyb oo Warbaahinta kula hadlay beertiisa degaanka Sheelane, xilli uu ku guda jiray tacbashada Beerta, ayaa wuxuu ka sheekeeyay waxyaabaha kala duwan ee beerta laga soo saaro.

"Beerta waxaa laga soo saaraa tamaandhada, basasha iyo Barbarooniga, qaarkood waxaa la inooga keenaa dalka Itoobiya, oo kuwayaga ayaa ka wanaagsan xittaa, bal eeg basasha inta ay la eeg tahay.” Ayuu yiri Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland.

Isaga oo hadalka sii wata Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland, Cumar Shuceyb wuxuu sheegay inuusan aaminsaneyn nolosha inay ku xiran tahay oo kaliya siyaasadda, haddii arintaasi la waayana muhiim ay tahay in loo weecdo dhanka wax soo saarka dalka, wuxuu kaloo ka hadlay caqabadaha haysta beeraleyda Somaliland.

"Siyaasad kaliya nolol ma’ahan dalkeena khayraad ayaa ka buuxa, haddii siyaasadda aad waydo maxaad qaban gidaarada ayaad taagnaanaysaa sow ma’ahan waa in feker hal abuur leh lala yimaadaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cumar Shuceyb.

Tani waxa ay muujinaysa in dalkeena Soomaaliya uu hodan ku yahay Khayraad kala duwan oo ka buuxa, balse dadka Soomaaliyed ay garan la’yihiin sida ay uga faa’iideystaan khayraadkaasi dalka ka buuxa, hamigoodana uu yahay kursi jaceyl iyo dibad jaceyl.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip