UNICEF ku baaqday in la caawiyo caruurta ay hoy la'aanta ay ku heyso duleedka Muqdisho

0
Friday January 12, 2018 - 22:23:54 in Wararka by
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNICEF ku baaqday in la caawiyo caruurta ay hoy la'aanta ay ku heyso duleedka Muqdisho

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNICEF ayaa Khamiistii sheegtay in 21 degaan oo ku yaallay duleedka Muqdisho, oo hoy u aheyd dad ka badan 4,000 oo qoys la burburiyay, hadana dadkaasi ay yihiin kuwo xaalad adag ku jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNICEF ayaa Khamiistii sheegtay in 21 degaan oo ku yaallay duleedka Muqdisho, oo hoy u aheyd dad ka badan 4,000 oo qoys la burburiyay, hadana dadkaasi ay yihiin kuwo xaalad adag ku jira. UNICEF ayaa sheegtay dadka dhibaatada ay qabsatay in ay u badan yihiin haween iyo carruur kuwaas oo yimid bilo yar ka hor, kadib markii ay safar dheer u soo socdeen si ay uga baxsadaan abaarta iyo colaadaha., waxayna sheegtay dadkaasi in guryahooda laga saaray iyada oo aysan jirin ogeysiis hore.

Waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah dadka iyaga oo guryahooda jiifa mar qura ay ka war heleen Ciidamo hubeysan iyo Cagaf-cagaf guryahooda dumineysa, taasina ay sababtay in cauur badan ay noqdaan Hoy la’aan, Waxbarasho la’aan, iyo xitaa in agabkoodii waxbarasho halkaasi ay ku waayaan.

UNICEF ayaa sheegtay in howl-galayaasheeda qeybta caafimaadka ay la kulmeen 35 qof oo isugu jira cauur, Waayeelo, iyo dad naafo ah, kadibna ay u sameeyeen gargaar caafimaad, si wax looga qabto xaaladahooda caafimaad daro.

Kiisaskan khasabka ah ayay sheegtay in ay saameyn ku yeesheen in ka badan 3,000 oo carruur ah, Afar dugsi oo la burburiyey; Xarun Carruurta ay ku cayaaraan oo u dhameystiran qalabka ay caruurta ku cayaaraan.

"Qoysaska la xayiray ayaa u soo guuray dugsiyada iyo dhismayaasha dadweynaha xeryaha kale ee barskacayaasha oo ay la socdaan qaar ka mid ah carruurta ku nool bannaanka ama waddooyinka, iyada oo aan lahayn hoy Carruurta iyo qoysaskoodu waxay u baahan yihiin taageero deg deg ah oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka iyo nafaqada, biyaha nabdoon, fayadhowrka, waxbarashada iyo kaalmooyin kale”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay UNICEF.

Ugu dambeyntii UNICEF ayaa ka codsatay mas’uuliyiinta in ay hubiyaan in dhammaan carruurta ay dhibaatadu saameysey si buuxda u badqabaan, lana dejiyo meelo ammaan ah, si dhibaatooyin kale aysan ula soo dersin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip