Xukuumadda Soomaaliya Oo Fariin U Dirtay Siyaasiyiinta Mucaaradsan.

0
Thursday January 11, 2018 - 22:31:01 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Soomaaliya Oo Fariin U Dirtay Siyaasiyiinta Mucaaradsan.

    Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in cafis loo fidinyo siyaasiyiinta mucarad ku ah dowladda Soomaaliya,waxaan wsaraddu ay sheegtay in xubnahan cafiska loo fidinayo ay qal-qal galin ku wadan dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in cafis loo fidinyo siyaasiyiinta mucarad ku ah dowladda Soomaaliya,waxaan wsaraddu ay sheegtay in xubnahan cafiska loo fidinayo ay qal-qal galin ku wadan dalka.

Afhayeenka Wasaaraddaas C/casiis Xildhibaan oo Maanta Saxafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay cafis u sameyneyso siyasiyiin dowladda ugu eedeysan qaran dumis,islamarkaana hay’adaha ammaanka ee dowladdu ay isku afgarteen in siyaasiyiintan lala xisaabtamo haddii ay dhacdo in mar kale ay soo celiyaan falka hadda ay ku eedeysnayeen.

Afhayeenka Wasaaradda amnigu muusan carrabaabin siyaasiyiintan uu sheegay in dowladdu ay cafisk u fidineyso,mana uusan sheegin waxa dhabta ah ee ay ku eedeysnyihiin xubnahan marka laga tago in lagu sheegay qaran-dumisyaal.

Horay dowladda Soomaaliya waxaa ay u sheegtay in tillaabo ay k qaadeyso siyaasiyiinta dowladda Mucaradsan ee dhaliila wax-qbadka dowladdaa Soomaaliya,waxaana ay dowladdu weerarty siyasiyiin uu ka mid ahaa siyasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo illaa hadda ay daba dheeraatay dacwaddiisa,siyaasiyiinta iyo dadka daraaseeya arimaha siyaasadda ayaa aaminsan in dowladdu ay caburineyso fikirka xorta ah taasi oo ay ku sheegayaan in meesha ay ka baxayso in dowladda loo tilmamo qaladaadka ka dhaca,balse haddii dowladdu weerarto siyasigii dhaliilaba ay meesha ka baxayso in dowladdu ay ogaato qaladaadkeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip