Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar

0
Thursday January 11, 2018 - 22:14:03 in Wararka by
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Munaasabada lagu furayay Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ka soo qeyb ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Munaasabada lagu furayay Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare & Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaano , waxgarad siyaasiyiin & marti sharaf kale . Qaar ka tirsan waxgaradkii ka qeyb galay ayaa qudbado isugu jira dhaliil & amaanba u soo jeediyay Baarlamaanka Hirshabeelle waxayna ugu baaqeen in howlaha laga sugayo ay bulshada u qabtaan. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cisman Barre Maxamed & Guddoomiyaha Baarlamaanka Marwo Canab Cabdi Ciise oo khudabdo ka jeediyay ayaa kaga hadlay waxqabadka Baarlamaanka iyagoo sheegay in ay qeyb ka ahayd isbedelkii hoggaanka sare Doorasahada & Xil ka qaadista intaba.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe oo hadal kooban ka soo jeediyay ayaa ugu sheegay in horumar lagu gaari karo Midnimo & Iskaashi dhex mara Golaha Sharci dejinta & Golaha fulinta intaba.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka isagoo bogaadiyay booqasahada Madaxweyne farmaajo ku marayo Puntland wuxuuna sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo amniga .

Furista Kalfadhigga 3aad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa hore dib u dhac uu ugu yimid dhowr goor, iyadoo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip