Saraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Madaxii Tababarada Shabaab

0
Wednesday January 10, 2018 - 23:31:31 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Madaxii Tababarada Shabaab

    Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kadib howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kadib howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ku daba jireen in mudo ah

Saraakiisha lagu dilay degaanka Buulo Mareer waxaa ka mid ah Zubeyr Almuhaajir, oo ahaa Sarkaalka Tababarada Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Macalin Cumar

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay dhismasha Labada sarkaal.

Zubeyr Almuhaajir, waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa Saraakiisha Ajaanibta Al-shabaab ka bar bar dagaalanta, Sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Ciidamada kumaandooska soomaaliya ayaa u muuqda kuwo kordhiyay howlgalada ay ka fulinayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo lagu beegsanayo xubnaha Shabaab ka tirsan.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip