Shabakadda Jowhar ayaa ogaatay in ujeeddooyinka ugu waaweyn ee shirka ay ahaayeen soo bandhigista qorshayaal horumarineed oo uu maamulka gobolku ku mashquulsanaa lixdii bolood ee la soo dhaafay iyo ka tashiga meeqaamka Muqdisho iyo halka ay ka galeyso nidaamka Federaalka ah ee dalka taa oo ku xiran ammaanka caasimadda oo faraha ka sii baxayay inta ay dowladdani jirtay.

Qorshayaasha la diyaariyay in la soo bandhigo waxaa ka mid ahaa "Isha Xaafadda” oo ah qorshe ammaan- iskuxir horumarineed oo hay’adaha ammaanka siinaya xogta amni iyaga oo ku xirmaya shacabka.

Dowladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka Banaadir:

Marka laga hadlayo ammaanka, inta badan shaqada taliyeyaasha nabadsugidda iyo booliska Soomaaliya ayaa ku kooban Muqdisho, sidoo kale amarrada wasaaradaha maaliyadda iyo arrimaha gudaha iyo amniga ayaa ka shaqeeya gobolka Banaadir oo kaliya.

Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore codasaday in hay’adaha ammaanka gobolka la hoos keeno maamulka balse siyaasyiin madaxtooyada ku dhow dhwo ay arrinkaasi hor istaageen.

Sidaasi darteed ayey xukuumaddu u argtay in shirkan uu mideyn karo maamulka iyo shacabka Muqdisho taasna ay meesha ay ka saareeyso awoodda badan ee dowladda dhexe ku leedahay maamulka Banaadir.

Xog lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku amaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir in shirka la baajiyo.

Dhinacyada isku biirsaday ka hortagga shirkan:

1- Ra’iisul Wasaaraha: Guddoomiyaha gobolka oo ka mid ah siyaasiyiinta ku dhow dhow madaxweynaha muddooyinkii dambe u muuqday mid ay dadaalldiisu ka gadmeen bulshada gaar ahaan dadka Muqdisho, saameynta uu yeeshay ayaa waxaa barbar socday hoos u dhaca taageerada Ra’iisul Wasaaraha ee beelaha Muqdisho ku dhex lahaa, shir uusan Ra’iisul Wasaaraha hormuud ka ahayn oo Muqdisho lagu qabtaa ayaa arrinkaas ka sii dari kara.

2- Siyaasiyiin qaab beeleed u abaabulan oo ku xiran xafiiska madaxweynaha: Marka la soo hadal qaado Maaqamka Muqdisho waxaa bannaanka yimaada doodda awood qeybsiga beelaha taasna waxa ay siyaasiyiin badani ku riixeysaa in dib loo dhigo.

Madaxweynaha oo u muuqda inuu arrinkaasi ku qancay ayaa isna wali qaadan go’aan kama dambeys ah sida aan xogta ku heleyno.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo iminka la kulmaya cadaadis dhanka madaxda sare ah ayaa loo sheegay in madaxweynaha oo maqan aysan habbooneyn in shirkaasi la qabto, balse Jowhar.com waxa ay fahansan tahay in arrinku uusan ku xirneyn soo laabasahda Madaxweynaha iyo joogitaankiisa ee uu xiriir toos ah la leeyahay arrimo siyaasadeed.

Dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada bulshda rayidka ah ee SOSECENSA ayaa ku dalbatay in shirka la qabto 20-ka bisha, ilo ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya inuu Ra’iisul Wasaaruhu arrinkaas ka biya diiday.

Maxaa ka dhalan kara ?

Dowladda Federaalka ah muddooyinkii ugu dambeeyay waxa ay wajaheysay mucaarado xooggan oo xukuumadda bannaanka ka ah oo sababtay in awood ciidan ay u adeegsato balse khilaafka xukuumadda gudaheeda ah bannaanka uma uusan soo bixin, hase ahaate haddii khilaafka Taabid iyo Kheyre aan si hoose loo xallin waxa uu sii hurin karaa mucaaraddada jirta, gaar ahaan tan siyaasiyiinta beelaha Muqdisho ah kuwa uu xeer ilaaliyaha ku soo oogay dacwadaha qaran dumisnimo.