1. Waxaa la yaab ah in ay Wasiiraddii xilka ka degtay , ay soo saarto qoraal fidno ka dhex abuuraya gacansatada ku dhaqan Gobolka Benadir, isla markaana aan ku fadhiyin sal sharci, taasi oo ay si ku meelgaar warqaddeeda ugu magacawoday xubno aan doorasho ku iman .

 

  1. Magacaabidda waxay saldhig uga dhigatay Sharciga L. 22 ee 2/11/85 ee Dhismaha Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga & Farshaxanka kaasoo lagu baab’iyay sharciga ka dambeeyay oo uu soo saaray Xeerb Madaxweyne Madaxweynahii hore ee dalka Shiikh Shariif Sh. Axmed Sharci Lr. 308, Taariikh 26/07/2012 Aqoonsi Rugta Ganacsiga & Warshadaha, sharcigaa soo banaynaya in Ganacsatada Soomaalieed ay yeelan karaan ururo ganacsi madax banaan iyo doorasho xor ah taasoo ka mid ah xuquuqaha Asaasiga ee Dastuurka siinayo ganacsatada Soomaaliyeed, deegaan kasta oo dalka ay kaga nooloyihiin.

 

  1. Sidoo kale warqadda kor ku xusan waxay si toos ah uga hor imaaneysaa Qod. 16, 23, 123 (4), ee Dastuurka JFS.
  2. Waxaa si hufan oo cad loo wada og yahay in xallinta khilaafka ganacsatada Gobolka Benadir maaamul iyo u samayntooda ay gacanta ku hayaan , ganacsato magic iyo maamuus leh, meel wanaagsanna ay u marayso .
  3. Waxaa noo caddaatay in Wasiirraddii hore aysan dhexdhexaad ka ahayn arrinta khifaaka u dhexeeya Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Gobolka Banaadir.

Sidaa darteed :-

1- Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaliyeed ee heer Qaran, waxay caddaynaysaa in aanay aqoonsanayn qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo waxa uu tilmaamayaba .

2- Waxaan soo jeedinaynnaa in Ganacsatada loo madax banneeyo in ay si madaxbannaan , iyagu isku doortaan , si loo dhiso maamulka Rugta Ganacsiga ee Gobolka Benadir, si kalsooni loogu qabi karo.

3- Waraqadda ay soo saartay maalintii ugu dambaysay shaqadeeda (03/01/2018) wasiiraddii hore waxay caqabad cusub u abuuraysaa hogaaminta Wasiirka cusub, iyo hurin khilaaf hor leh , oo lageliyo ganacsatada Gobolka Benadir oo culayskeeda leh .

4- Inagoo og in waddankeenna uu ku dhaqmayo nidaamka dhaqalaaha xorta ah (free market economy) waxaa nasiib darro ah maamul xumana ah, in gnacsatada oo wadankan lafdhabar u noloshiisa dhaqaale, mamulkooda iyo is doorashadooda faraha lgula jiro , iyagoo ka tirsan bulshada bulshada rayidka .

 

Mahadsanidiin

Guddoomiyaga Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed

Mohamud Abdi Ali (Gabeyre)

EPSON scanner image
EPSON scanner image

 

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-