QARAX MIINO OO GOOR DHAW KA DHACAY DEG.HELIWAA{Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa oo loo dhigay oo ka badbaaday}

0
Wednesday January 10, 2018 - 13:02:09 in Wararka by
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QARAX MIINO OO GOOR DHAW KA DHACAY DEG.HELIWAA{Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa oo loo dhigay oo ka badbaaday}

    Wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Goor Dhaw qarax miino oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Goor Dhaw qarax miino oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in laga maqlayey deegaanada u dhawa dhaw halka uu ka dhacay iyadoo wararku sheegayaan  in lala eegtay gaari uu saarnaa Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa oo lagu magacaabo  Abshir Kaaraan.

Gaarigii uu watay Gudoomiye ku xigeenka markii uu dhaafay meesha miinada ku aasneyd ayeey qaraxday, miinada waxaana la sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan kana badbaaday Gudoomiye ku xigeenka  dhanka ammaanka degmadaasi .

Saraakiisha ammaanka Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uusan waxba khasaare gaysan.

Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan waxa ayna soo qabteen tiro dhalinyaro oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiyeen.

Nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa xilliyada qaar sidan oo kale waxaa uga dhaca qaraxyada miinada ah ee Shabaab ay sheegtaan masuuliyadooda.

 waxaa beryahaan qaraxyada minada dhulka lagu aaso ay ku soo badatay m.muqdosho gaar ahaan waddada warshadaha iyo degmada heliwaa ee m.muqdisho 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip