DHAGEYSO: Saraakiisha Ciidamada X.D.S oo ka hadlay degaano Shabaab lagala wareegay

0
Wednesday January 10, 2018 - 11:36:41 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Saraakiisha Ciidamada X.D.S oo ka hadlay degaano Shabaab lagala wareegay

    Tliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan General Tawane Axmed Gurey ayaa faah faahin ka bixiyay dagaallo Ciidamada xoogga dalka iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan General Tawane Axmed Gurey ayaa faah faahin ka bixiyay dagaallo Ciidamada xoogga dalka iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay degaano dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan in Shabaab ay ka saareen, isaga oo tilmaamay degaanadaas in ay u dhaxeeyaan Maxaas iyo halgan.

Sidoo kale wuxuu sheegay ururka Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku sugan goobaha ay maamulaan oo ay ka qaadaan lacago shacabka aysan raali ka aheyn, sida uu sheegay Taliyaha.

General Tawane ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan Hiiraan ugu baaqay inay garab siiyaan Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula ururka Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Shabaab, ayaa shalay waxa uu dagaal culus ku dhexmaray duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan,Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ciidamada Itoobiya ah oo ka yimid dhanka Magaalada Feerfeer.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip