Maxkamadda Hargeysa oo Xukuntay Dhallinyaro Dhacday Sawir Qaade Reer Japan ah!!

0
Wednesday January 10, 2018 - 11:22:28 in Wararka by
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Hargeysa oo Xukuntay Dhallinyaro Dhacday Sawir Qaade Reer Japan ah!!

    Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex,ayaa shalay laba sannadood iyo sagaal bilood oo xarig ah ku riday afar dhallinyaro ah oo dhac u geystay nin sawir qaade ah oo u dhashay dalka Japan.Dhallinyaradan oo maxkamadda horteeda ka qirtay fal-dambiyeedka waxa k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex,ayaa shalay laba sannadood iyo sagaal bilood oo xarig ah ku riday afar dhallinyaro ah oo dhac u geystay nin sawir qaade ah oo u dhashay dalka Japan.Dhallinyaradan oo maxkamadda horteeda ka qirtay fal-dambiyeedka waxa kaloo lagu xukumay in ay soo celiyaan lacag 5,000 kun oo Dollar oo ay ka dhaceen sawir qaadahan. Sawir qaadahan oo lagu magacaabo Kazawa Taichi, ahna sawir qaade dhinaca farshaxanka ah (Photo Artist), islamarkaana Soomali-land ku soo galay ruqsad sharci ah, 24-kii December 2017, abaaro labadii saac ee gelinkii dambe ayey saddex dhallinyaro ah ka heleen Degmada Koodbuur ee Hargeysa, waxaana ay ka qaadeen lacag dhan 5000 kun oo Doollar, Baasaboorkii, Lens-ka Kamaradda iyo Hard disk. Waxaa la sheegay in Dhalinyaradaan markii la kulmeen Sawir qaadahaan waxay markii hore ka codsadeen inuu sawir ka qaado laba ka mid ah, balse kii saddexaad ayaa xagga danbe kaga yimid, kadibna shandad ama boorso uu ninkaasi dhabarka ku sitay ayuu kala baxay lacag dhan 5000 kun oo Dollar iyo alaabta kale.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa geeyay ninkaan Saldhiga Koodbuur, Booliiska Kodbuur inkasta oo ay gurmad galeen kumay guulaysan soo qabashada dhallinyaradii falkan geysatay,saddexdan dhallinyarada ahi isla markiiba lacagtii ay dhaceen waxay ku iibsadeen gaari.

Sidoo kale waxay soo celiyeen Lens-kii Kamarada, halka Basaboorkii oo uu qaaday wiil afraad oo la kulmay markay lacagta dhacayeen, kaas oo ay siiyeen 300 boqol oo Dollar, isla markaana ay ku yidhaahdeen noo hay Basaboorka, oo isagana ay markii danbe Booliisku soo xidheen.

Saddexdii dhallinyarada ahaa ee dhaca geystay waxa midkiiba lagu xukumay laba sanno iyo in ay celiyaan lacag dhan 4700 (afar kun iyo toddoba boqol oo Dollar).






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip