Madaxweynaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin magaalada Garowe, taasi uu ku tilmaamay in carqalad ku tahay geeddi socodka nabadda.

Sidoo kale Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Shabaab iyo Daacish:

"Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, weerarkii Maamulka Hargeysa waxa uu gaashaan iyo garab u yahay argagixisada…” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, wuxuuna Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya u diray fariin ahayd wixii ka dhasha weerarka Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadayo maamulkaasi.

Ciidamo daacad u ah Maamulka Somaliland ayaa la wareegay kadib markii weerar kedis ah ay ku soo qaadeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Waxaa jirta xiisad ka jirta deegaanada ku dhowdhow Tukaraq inkastoo uu xaalku degen yahay iyadoo weerarka lagu soo qaaday deegaanka Tukaraq uu ku soo beegmay xilli uu booqasho ku joogo Puntland Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.