AKHRISO: Q/3-aad dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2017

0
Wednesday January 03, 2018 - 11:57:56 in Wararka by
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Q/3-aad dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2017

    Akhristiyaasheena sharafta leh ee ku xiran Page-kaRadiorisaala.comamaRisaala.net,waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynee ee Soomaaliya sanadkii tagay 2017. maanta waa weybta 1-aad Saddexda bil ee kala ah July, August, iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristiyaasheena sharafta leh ee ku xiran Page-kaRadiorisaala.comamaRisaala.net,waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynee ee Soomaaliya sanadkii tagay 2017. maanta waa weybta 1-aad Saddexda bil ee kala ah July, August, iyo September.JULY

Isniin, July, 03, 2017Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in Itoobiya ay ka soo daayaan 120 maxaabiis Soomaaliyeed ah.

 

War kooban oo la soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay arintan ku saabsan maxaabiista lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Khamiis, July, 06, 2017War ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray shirkaddaha gaarka loo leeyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo diiwaangaliyaan ilaaladooda.

Warkan oo uu ku saxiixnaa wasiirka wasaaradda amniga Maxamed Abuukar Isloow ayaa lagu sheegay in mudo ku siman 30 cisho ku soo diiwaangaliyaan ilaaladooda gaarka ah.

Sabti, July, 08, 2017Ciidamada amniga dowladda dalka Koonfurta Suudaan ayaa u soo gacan-galiyay dowladda Soomaaliya Tahriibiye xiriir dhaw la lahaa Magafayaasha dalka Liibiya ee ka ganacsada tahriibayaasha.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa waxaa baadigoob ku hayay Booliska Adduunka ee Interpol, waxaana uu ka mid ahaa ragga ugu waa weyn ee wax tahriibiyay.

Arbaco, July, 19, 2017316 qof oo muwadiniin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Yeman ayaa dib ugu soo noqday dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka iyo soogalootiga Qaramada Midoobay ee IOM.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 maalmood gudahood Soomaalidaasi ay soo gaareen gudaha dalka Soomaaliya.

Jimco, July, 21. 2017Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan iyaga oo dil iyo afduub u geystay shaqaale ka tirsanaa hay’ad samafal.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ilaa saddex dumar ah u shaqeynayay hay’ad maxali ah oo ka shaqeysa arimaha miino baarista ay horay u sii kaxeysteen dagaalayanada weerarka soo qaaday, halka qof kalana ay toogasho ku dileen.

Sabti, July, 22, 2017Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho waxaa ay ku diideen go’aan horay uga soo baxay maxkamada sare ee dalka oo ahaa in dib loogu laabto doorashada saddeed kursi oo khilaaf uu ka jiray.

Arbaco July, 26 2017Iska hor imaad ka dhacay Tiyaatarka Qaranka oo u dhaxeeyay Ciidamada Nabad Suggida iyo Ciidanka Militariga ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal NISA ka tirsanaa oo lagu magaacbi jiray Ciise Jiijiile iyo afar ka mid ah ilaaladiisa.

Khamiis, July, 27, 2017Dadweyne ka careysan dilka sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo ku dhintay iska horimaad magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada dowladda ayaa xiray waddada Maka Al-Mukarama.

Dadka oo isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa gubayay Taayaro, iyaga oo sidoo kalana dhagaxnaan ku xiray waddada, taasoo hakad ku keentay isku socodkii gadiidka.

Talaado, July, 28, 2017Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM Qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegy in ciidamada Mareykanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay Duqeyn la beegsadeen xoogag ka tirsan Ururka Daacish, kuwaa oo ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan Puntland.

Saraakiisha Miliytariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay sida ku cad Qoraalkooda in duqeyntaasi lagu dilay horjooge ka tirsanaa Kooxda Daacish ee bartilmaameedka uu ahaa.

Isniin, July, 31. 2017Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu dilay Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal), oo sida ay sheegtay mas’uul ka ahaa qorsheynta dilalka iyo Qaraxyadii ka dhacay magaalladda Muqdisho.

AUGUST

Khamiis, Augusto 10, 2017Inta la xaqiijinayo 20 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo deegaanka Abal ee gobolka Bakool ku dhaxmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo maleeshiyaad daacad u ahaa Mukhtaar Rooboow Abuumansuur.

Maalin Axad ah, Augusto 13, 2017Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka soo duushay degmada Xuddur.

Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay in ay socdaalkiisa waxaa ku wehlinayay wasiirkii gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka.

Maalin Isniin ah, August, 14, 2017Xildhibaano gaaraya 68 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen Cali C/laahi Cosoble oo ahaa Madaxweynihii Hirshabeelle, kadib markii ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan.

MaalinTalaado ah, Augusto, 15, 2017Waxaa magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Ururka Al-shabaab, hasse ahaatee sheegay in uu shan sano ka hor isaga tagay Al-shabaab.

Mukhtaar Rooboow ayaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka sida loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Maalin Jimco ha. August, 18, 2017Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Guddoomiyihii Guddiga Garsoorayaasha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Cusmaan Jaamac Diraac.

Diraac oo sidoo kale xubin ka ahaa xiriirka kubada cagta ayaa dilkiisa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafada Xamar Bile ee degmada Wartanabada, waxaana la toogtay isaga oo ka soo baxay Masjidka.

Maalin Isniin ah, Augusto, 21, 2017Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay golle wasiiro ka kooban 52 xubnood

Madaxweyne Xaaf ayaa ku dhawaaqay 22 wasiir, 22 wasiir ku-xigeen , Sideed wasiiru-dowle kuwaa oo isku darka noqday 52 wasiir.

Maalin Jimco ah, Augusto, 25, 2017Duqeyn diyaaradeed oo Diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen tuulo u dhow deegaanka Bariire, ayaa waxaa lagu dilay 10 qof oo beeraley ah.

Meydadka dadkii ku dhintay duqeynta ayaa la keenay magaalladda Muqdisho, waxaana sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay laba qof oo kale.

Talaado, Augusto, 29, 2017Sida lagu daabcay wakaalada wararka ee Ethiopia Observer, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta u galisay Itoobiya sarkaal sare oo ka tirsanaa Jabhada ONLF.

Abdikarim Sheikh Muuse ‘’Qalbi Dhagax’’ ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado oo qiyaastii 500km u jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho/

SEPTEMBER

Maalin Arbaco ah, September, 06, 2017Kaddib kulan saacado badan qaatay oo ay Muqdisho ku yeesheen xubnaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax ahaa xubin Argagixiso oo khatar ku ahaa amniga dalka.

Maalin Isniin ah, September, 11, 2017Qarax xoogan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho, Qarxaasi waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 8 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Malin Sabti ah, September, 16, 2017Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Maxamed Cabdi Waare u doortay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, waxaana uu la tartamay Musharaxiin dhowr ah.

Maalin Sabti ah, September, 16, 2017Weerar culus oo loo adeegsaday qaraxyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo Al-shabaab ay ku qaadeen Ceel-Waaq kaddib ayeey u suurtagashay in ay la wareegaan guud ahaanba gacan ku heynta degmada.

Maalin Talaado ah, September, 26, 2017Kulan magaalada Cadaado ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayeey kaga dhawaaqeen ay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Cadaado ayaa sheegay in 52 Xildhibaan ay xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf.

Maalin Arbaco ah, September, 27, 2017Dabley hubaysan oo wadatay gaari yar ay ku rasaaseeyeen gaari kale oo marayay agagaarka Via Roma Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Gaariga la rasaaseeyay oo nuuciisa uu ahaa SURF ayaa waxaa saarnaa laba ruux, kuwaasi oo kala ahaa xoghayihii Ururka hwaeenka Qaranka iyo wiilka guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale.

Jimco, September, 29, 2017Weerar saf mar ah oo ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan oo markiisii hore ku bilaawday gadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu qaaday saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya ugu weyn oo ay ku leeyihiin deegaanka Barriire sida ay sheegeen goob joogayaal.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip