WARBIXIN: Tobban Dhacdo Oo Lagu Xasuusan Doono Kubadda Cagta Sannadka 2017 + SAWIRO

0
Saturday December 30, 2017 - 10:14:53 in Wararka by
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Tobban Dhacdo Oo Lagu Xasuusan Doono Kubadda Cagta Sannadka 2017 + SAWIRO

    Sannadka 2017 ayaa sii dhamaanaya, iyadoo aan sugeyno Haddii Alle Nafta nagu gaarsiiyo Bilaabashada sannadka cusub ee 2018ka, kaasoo noqon doona sannad ku weyn kubadda cagta caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadka 2017 ayaa sii dhamaanaya, iyadoo aan sugeyno Haddii Alle Nafta nagu gaarsiiyo Bilaabashada sannadka cusub ee 2018ka, kaasoo noqon doona sannad ku weyn kubadda cagta caalamka.

Sannadka 2018ka waxaa la qadan doonaa dhacdada Sports ee ugu weyn dunida, waxaana 32 dal oo ka kala socda qaaradaha kala duwan ee adduunka ay ku ciyaari doonaa dalka Russia dhacdada koobka adduunka.

1- Barcelona 6-1 PSG

Qof kasta wuu jecel yahay inuu xasuusto guushii soo laabashada laheyd ee Barcelona ka sameysay tartanka Champions League.

Marnaba lama fileyn in Barcelona kasoo laaban kartay guuldarro 4-0 oo ay kala kulantay kooxda ka dhisan France ee PSG.

Camp Nou waxaa habeenkaas taaariikh ku qoray xiddiga reer Spain ee Sergi Roberto, kaaso waligiis lagu xasuusan doono goolkii waalida ahaa ee uu ka dhaliyay PSG waqtigii dhimashada.

2- Messi oo Real Madrid ku aamusiyay Bernabeu

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa natusiyay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ka dib markii uu dhaliyay goolka guusha xilli dambe kulankii Real Madrid 3-2 kaga badiyeen garoonka Bernabeu.

Messi ayaa haatanBernabeu ka dhigay meel sahlan in gool lagu dhaliyo, isagoo sidookale gool kale ku dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee El Clasico.

3- Real Madrid oo ku Guuleysatay koobkeedii 12aad ee Europe

Los Blancos ayaa Juventus ku garaacday magaalada Cardiff Finalkii tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa 4-1 kaga badisay kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Juventus, waxaana loo calamadeeyay in ay ku guuleysatay tartanka Yurub sannadkii labaad oo xiriir ah.

4- Barashada Kylain Mbappe

Kylian Mbappe ayaa naftiisa baray dunida oo dhan sannadka 2017, kadib markii uu lasoo baxay karti, awood iyo farsamooyin lala barbardhigi karo weeraryahanadii hore ee dunida.

19 jirkaan ayaa hadda loo arkaa shaqsi leh qaab ciyaareed weeraryahanada Thierry Henry iyo Ronaldo oo waqti wacan kusoo qaatay kubadda cagta.

Kylain Mbappe ayaa ugu dhaqaaqay ugu dambeyn kooxda PSG lacag lagu sheegay € 180m, taasoo la micno ah inuu yahay ciyaaryahanka labaad ee dunida ugu qaalisan.

5- PSG oo lacag Rikoor ah ku qaadatay Neymar

Barcelona ayaa ku adkeysaneysay inuu sii joogi doono Neymar, laakiin waxaa ugu dambeyn lagu qasbay inuu € 222m oo ah qiimihii lagu burburin karay qandaraaskiisa ugu dhaqaaqo kooxda PSG.

Heshiiskaan Neymar waxa uu ka dhigay ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda kubada cagta, mana la heli doono sannadahaan xiddig jabiya Rikoorka suuqa ee Neymar Jr.

6- Italy oo Seegtay koobka aduunka

60 sanno ka dib xulka Qaranka Talyaaniga ayaa seegay dhacdada Sports ee dunida ugu weyn ee koobka adduuubka 2018 kadib markii ay qasaaro kala kulmeen Sweden.

Italy ayaa lagu reebay labo kulan oo isku xigta oo ay wajaheen Sweden , waxaana ka fariistay isagoo ilmeynaya kadib fashilkaas goolhaye Gianluigi Buffon.

7- VAR oo lagu Soo kordiyay kubadda cagta

Horyaalada Serie A iyo Bundesliga ayaa labadaba qaatay isticmaalka Aalada casriga ah ee la shaqeysa garsoorka ee VAR xili ciyaareedkaan 2017/18.

Waxaa jira horyaalo kale oo ay kamid yihiin Ingiriiska iyo Spain oo qorsheynaya in ay qaataan Aalabada casriga ah ee VAR.

8- Pep oo Rikoor Guulo xiriir ah dhigay

Kooxda Manchester City tababaraha hogaamiya Pep Guardiola ayaa rikoor cusub oo guulaha isku xigxiga ee Premier League dhigay xili ciyaareedkaan.

Waxa ay kooxdiisa badisay 18-kulan oo isku xiga, iyagoo 15 dhibcood oo nadiif ah ka sareeya kooxda kusoo xigta ee Manchester City.

9- Cristiano Ronaldo oo markale noqday xiddiga ugu fiica n dunida

Sannadkaan sii dhamaanaya ee 2017 Ronaldo ayaa markiisii shanaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or .

Cristiano Ronaldo ooReal Madrid ka caawiyay shan koob ayaa isku darsaday labada abaalmarin ee ciyaaryahanka sannadka FIFA iyo abaalmarinta Ballon d’Or.

10- Harry Kane oo muujiyay inuu la Heer yahay Messi Iyo Ronaldo

Markii ugu horeysay tan iyo 2009kii, ciyaaryahan ayaa dhaliyey goolal ka badan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa noqday ninka goolasha ugu badan dhaliyay sannadkaan 2017 kadib markii uu shabaqa soo taabtay 56 jeer tartamada oo dhan.

Waxaa qoray Hassan Iniesta



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip