Gudoomiyaha Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad xiiso badan halkaas ka soo jeediyey ayaa si cilmiyeysan uga hadlay taariikhda iyo heerarkii ay soo martay Akademiyada AGA, waxaana uu sheegay sababtii loo unkay AGA inay ahayd sidii halista looga bad-baadin lahaa afka hooyo looguna hawlgali lahaa horumrintiisa, isagoo intaasi raaciyay Himilooyinka Akadeemiyadu inay ka mid tahay sidii looga faa’iideysan lahaa awoodda AfSoomaaligu u leeyahay inuu ahaado Nabad-side walaaleeya dadka Soomaaliyeed dhexdooda iyo iyaga iyo dadyowga kale.

Dr. Afrax wuxuu si diirran u bogaadiyey dhallinyarada u soo jeesatey akhriska iyo qoraalka kuwaas qaar ka mid ah ay asaaseen naadiyo diiradda saara akhriska iyo qoraalka, wuxuuna sheegay akadeemiye-Goboleedgu inay xoog saari doonto dhiirrigalinta, tababbaridda iyo gacan-siinta dhallinyaradaas hibada leh, isagoo intaasi raaciayay jiilka soo koraya inay yihiin kuwa iyagu iska leh Akadeemiyadan oo ay tahay inay hantiyaan.

Dhanka kale, Guddoomiyuhu wuxuu dawladda iyo xarumaraha waxbarashada ku boorriyey in AfSoomaaliga si dhab ah looga dhigo afka rasmiga ah ee dalka, afka waxbarashada iyo maamulka xafiisyada, Waxaana uu ku boorriyey in la daryeelo lagana faai’deysto abwaannada iyo hal-abuurka fanka iyo suugaanta iyo in la soo nooleeyo Golihii Murtida iyo Madadaalada oo si dhakhsa ah loo dayac-tiro.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Daah-furka Madasha AGA ee Horumrinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa ayaa sheegay inuu ka wel-welsan yahay xaaladda uu xilligaan ku sugan yahay afka Soomaaliga, waxaana uu ku baaqay in laga hor tago afdilayaasha weerarka ku haya afka Soomaaliga, isagoo dhanka kale u mahad celiyay Akadeemiyada AGA oo had iyo goor u taagan kor u qaadida afka Soomaaliga.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo isna munaasbadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo furitaanka Madasha AGA, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Wasaaradiisu ay go’an tahay sidii ay Akadeemiyada AGA ugala shaqeyn laheyd illaalinta afka Soomaaliga, isagoo ugu yeeray Shacbiga Soomaaliyeed in muwaadin walba uu xil gaar ah iska saaro sidii uu ugu faro adeygi lahaa afkiisa hooyo.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka madashaasi qaabilsan horumarinta afka Soomaaliga, waxaana ay ku cel-celiyeen inay si dhaw ula shaqeyn doonaan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Prof. Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah masuuliyiinta Akadeemiyada AGA iyo Wakiilka Akadeemiyadaasi ee K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa halkaasi ka soo jeediyay hadalo u badnaa Iftiiminta hawlaha ay qaban doonto Madasha AGA, Iyagoo soo jediyay in mudnaanta koowaad la siiyo illaalinta afka hooyo.

Xafladaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa intii ay socotay waxaa lagu daawaday Filim kooban oo ka hadlayay tariiqda, aas-aaska iyo waxqabadka Akadeemiyada AGA, Madasha AGA ee maanta laga daah furey Muqdisho ayaa noqonaysa madal Billaha ah, waxaana si joogtaysan ugu kulmi doonaan bahda Akadeemiyaha, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baarista, bahda Warbaahinta iyo guudahaanba inta ku hawlan ama jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoonta, waxaana si gaar ah uga faa`iidaysan doona da`yarta xiiseeya akhriska iyo qoraalka.

Sawirka Shiiqaaloow Xasan.
Sawirka Shiiqaaloow Xasan.
Sawirka Shiiqaaloow Xasan.
Sawirka Shiiqaaloow Xasan.


Sawirka Shiiqaaloow Xasan.
W/D:Sheekhaaloow xasan