Ma laga yaabaa in Wadamada Imaaraadka iy Qadar ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda?

0
Wednesday December 27, 2017 - 10:20:17 in Wararka by
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma laga yaabaa in Wadamada Imaaraadka iy Qadar ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda?

    Saameynta Soomaaliya Khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah Wadamada Khaliijka Gaar ahaan Wadamada Imaaraadka iyo Qadar oo Galaangal Siyaasadeed ku leh Xaaladda Siyaasada Soomaaliya ee Xilgaan, waxaana Moodaa In Khilaafkaas marba marka ka dambeysa uu si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saameynta Soomaaliya Khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah Wadamada Khaliijka Gaar ahaan Wadamada Imaaraadka iyo Qadar oo Galaangal Siyaasadeed ku leh Xaaladda Siyaasada Soomaaliya ee Xilgaan, waxaana Moodaa In Khilaafkaas marba marka ka dambeysa uu sii Xoogeysanayo.

Khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Qadar sow lagama yaabo in Labadaan wadan ay ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda aniga waxaan ka mid ahaa dadka aan aamisaneyn Dagaal uu dhexmaro Labadaas Dal hase yeeshee Dhawaan ayaan Xaqiiqsadey in ay dhici karto Labadaas Wadan ay ku Dagaalami karaan Soomaaliya

Dhawaan ayaa Safaarada Qadar ku leedahay Soomaaliya Gaar ahaan Agagaarka Km4 ayey Difaaceedii soo Fogeysey ilaa ay u soo dhawaatey Isbitaalka Deva, waxaana markiiba ka qayliyey ardey Jaamacadaha halkaas ku yaal iyadoo Safaarada ku andacootey in Difaacaan uu yahay mid ay ku Xaqiijineyso Amaankeeda.



Dad badan ayaa wax caadi ah u qaatey Difaacaas hase yeeshee si aan wax badan uga ogaano waxa keeney Xiligaan la dheereeyo Difaaca Safaarada, Sida darteed Qof Deris la ah Safaaradaoo aan wax ka weydiiyey Difaaca la soo fogeeyey ayaa yiri" Safaarada ka Qadar ka cabsanmeyso Soomaali Weerar kaga yimaada waxaa cabsida ugu weyn ee Xiligaan heysata Safaarada ay tahay in Weerar uu kaga yimaado Dhinaca Dowlada Imaaraadka Carabta” Hase yeeshee Qorshaha Safaarada Qadar ee Sii xirada Wadada waxaa diidey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegey in Dhawaan la furi doono Wadada Cabdi Qaasim ee ka tagta Km 4.

Tan iyo Markii ay dhacdey Dowladii Kacaanka Soomaaliya Faragelinteeda waxay soo martey Heerar kala duwan , Mar waxaa Fagelin ku hayey Talyaaniga , mar Itoobiya iyo erteriya, mar Dowlada Kenya , Mar Masar , marna Liibiya , Marna Mareykan, waxay Hadba meel soo Tu’ato Faragelintaas maanta waxay mareysa wadamada Imaaraadka iyo Qadar marka ha Fogeysan in Dagaal ku dhexmaro Gudaha Dalka Wadamadaas marka ilaahayow Amuuraha Sahal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip