Sharciga Shaankuulada Ha laga Dhaafo.=Faallo=

0
Tuesday December 19, 2017 - 10:58:09 in Wararka by
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciga Shaankuulada Ha laga Dhaafo.=Faallo=

    Ma difaacayo ruux eedeeysane ah ama dambiile ah,Laakiin haddii uu yahay labadaa midkood isaga laftiisu wuxuu u leeyahay xaqa sharcigu siinayo ayna tahay in lagula dhaqmo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma difaacayo ruux eedeeysane ah ama dambiile ah,Laakiin haddii uu yahay labadaa midkood isaga laftiisu wuxuu u leeyahay xaqa sharcigu siinayo ayna tahay in lagula dhaqmo.

sharciga ciqaabta Soomaaliyeed, (Codice procedure penale Somalo) qodobka- Art.500 ayaan filayaa inuu ahaa:Qof Muwaadin ah xattaa warqad dacwo ah looma geyn karo,6-da maqribnimo illa 6-da subaxnimo, iska daa in la soo xiree, warqada marka loo geeyo maalinta cad ayaa loo sheegayaa mudadda uu sharciga hor tagayo, haddii uu fulin waayana waxaa laga qaadayaa talaabo sharci ah, Xaalada kooban oo deg deg ahi hadayna jirin, kuwaasina iima muuqdaan.Qofkaa eedeeysana ah, waxaa soo qaban kara ciidanka Booliska oo heysta ogolaasho maxkamadeed, laakin Nabad suggidu sooma qaban karto xaaladan oo kale.



"Sharcigu ma qabo, in wadaad taageersan dowladu haddii uu ku iftoodu guryaha ha loogu galo dadka,in la fuliyo”.

Dowladu waa dad beni’aadam ah weyna qaldami kartaa, haddii aad ku tiraa arrintaani khalad ayay iigu muuqataa, dambi ma ahan, ilayn sharcigaa naga wada dhaxeeya.Xuriyadda hadalku xad ayay leedahay, sidoo kale awooda wax qabashaduna xad ayay leedahay.

Qalad ayaan u arkaa qofkii yiraa: "Waa Qaran dumis kii saa u hadlay”, Asaga laftiisa ayaa Qaranka duminayo,isaga oo aan is ogayn, waxa soo batay dad aan Af- Carabiga si fiican u aqoon oo kalmadaha Mucaarad & Muxaafid ula jeedadooda aanan fahmin iyo kuwa wadani iyo Mucaarad aan kala fahmin, qofku isaga oo dalkiisa jecel ayuu haddana mucaarad ku noqon karaa Dowladda markaa jirta ee uu dhaliilsan yahay.

Sharciga dhinacyada oo dhami ha dhowreen, hana laga taxadaro wixii khal khal keeni kara,qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu iska difaaco wixii xad gudub ah ee sharciga hareer marsan,haddiise Dooli kasta hubkiisa soo qaato,ee luuqyada la isku gaad gaado waxa ka faa’iidaya Bisadaha.

Ma ahan in sharciga Qori caaradii lagu qoro, ama dadka loo soo diro kuwa maskaxdooda xarig ku qafilan yahay,dadkana loo diido inay dhiibtaan aragtidooda, sharcigu waa inuu ka sareeyo dadka oo dhan ee yaanan la dhigin cagta hoosteeda.

FG: Dadka la xiro marka la soo daayo caafimaadkooda hala baaro,qaar ayaa muddo kooban, kadib u dhinta sabab aan la aqoon,waa taxadar qofku xaq ayuu u leehay inuu ogaado haddii uu jiro xanuun uu xabsiga ka soo qaaday.qof kasta maalin ayuu maxbuus noqon karaa xaq ayuuna leeyahay, ay tahay in sharcigu u dhowro,xattaa haddii uu eedeeysane ama dambiile yahay.Aragtidayda wixii xalay ka dhacay degmada Wadajir waxay iila muuqdaan,wax aan loo marin wadadii sharciga ahayd.

FG: Akhriste Aragtidaada xor ayaad u tahay, wixii aan ku khaldamay iga sax,wixii dhimanna dhameystir.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip