Mo Farah oo ku guuleystay Abaalmarinta BBC ee shaqsiga ugu wanaagsan Cayaaraha

0
Monday December 18, 2017 - 12:19:26 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo Farah oo ku guuleystay Abaalmarinta BBC ee shaqsiga ugu wanaagsan Cayaaraha

    Mo Farah oo ku guulaystay oradka 10,000 ee mitir ee adduunka ayaa ku guulaystay Abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan dhanka ciyaaraha ee BBC sannadka 2017ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mo Farah oo ku guulaystay oradka 10,000 ee mitir ee adduunka ayaa ku guulaystay Abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan dhanka ciyaaraha ee BBC sannadka 2017ka.

Mo Farah oo 34 sano jir ah ayaa markii saddexaad oo xiriir ah ku guulaysay billadda dahabka ah ee orodka 10,000 ee mitir.

Wuxuu noqonayaa qofkii u horreeyay ee Oroddada dhaadheer ka qaybqaata ee ku guulaysta abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan Ciyaaraha tan iyo markii uu isla abaalmarintaas helay Paula Radcliffe sannadkii 2002.

Jonathan Rea ayaa kaalinta labaad galay halka Jonnie Peacock oo naafo ahna uu kaalinta saddexaas ka galay.

Farah uma aysan suurtogalin in uu ka qaybqaato xalfadda abaalmarinta oo Liverpool ka dhacday, balse muuqaal toos ah ayuu soo galay oo lagu gudoonsiiyay.

Kenny Dalglish oo afka hore uga dheeli jiray Liverpool iyo Scotland ayaa ku dhawaaqay abaalmarintan kaddib markii ay bulshadu coddaysay.

Mo Farah oo London ku sugnaa ayaa u muuqday in uu aad ugu faraxsanaa abaalmarinta, ka hor inta uusan muuqaalkii tooska ahaa go’in.

Michael Johnson oo ah orodyahan hore ayaa xafladda khudbad kooban ka jeediyay isaga oo matalaya Maxamed Faarax.

Mo Farah oo ku dhashay dalka Soomaaliya ayaa tagay Britian isaga oo da'diisu tahay 8 sano jir tan iyo wixii waqtigaa ka danbeeyayna waxaa uu ku noolaa dalka Ingariiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip