Soomaaliyey aan iska hubsano waxa Carabtu isku heeysato, intaan dekadaheena gantaal lagu hubsan NASASHADA JIMCAHA. Q- 74-aad.

0
Friday December 15, 2017 - 12:03:04 in Wararka by
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliyey aan iska hubsano waxa Carabtu isku heeysato, intaan dekadaheena gantaal lagu hubsan NASASHADA JIMCAHA. Q- 74-aad.

    "Wax Akhristayaasha loogu maahmaahana ma lehe" 1-Wiil yar ayaa la weeydiiyay, gurigiina yaa ugu yar?. Markaa ayuu ku jawaabay : Aabe. Waxaa la yiri: Sabab? waxa uu yiri: Dee, weli hooyo ayuu la jiiftaa. ( Siyaasiyiinta yaa ugu yar? W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wax Akhristayaasha loogu maahmaahana ma lehe" 1-Wiil yar ayaa la weeydiiyay, gurigiina yaa ugu yar?. Markaa ayuu ku jawaabay : Aabe. Waxaa la yiri: Sabab? waxa uu yiri: Dee, weli hooyo ayuu la jiiftaa. ( Siyaasiyiinta yaa ugu yar? Waa hebel… ileyn weli lama qabsan bulshada oo Hotel ayuu jiiftaa).

2- Haweeney dhabta ku wadatay wiil yar oo ay dhashay ayaa BUS la soo raacday, darawalkii ayaa ku yiri: Acuudu, Acuudu, BUS kan wiligii lalama soo raacin cunug ka fool xun cunugan yar ee aad wadato. Kursiga dambe ayey fadhiisatay,iyada oo carro ka muuqato, dambiil ay wadatay ayey kala soo baxday qarsho Kooka koola oo faaruq ah.

Oday dhinaceeda fadhiyay ayaa ku yiri: Maxaa kaa careysiiyay?. Waxay ku tiri: Darawalka ayaa i caayay oo aan meel iska soo saarayaa. Odaygii oo aan hubsan waxa la isku heyto, ayaa ku yiri: iska celi, anigana ii dhiibo Daanyeerkan yar oo korka kuu saaran. Qarshadii odayga madaxiisaa ayaa lagu hubsaday. ( fiiri sawirka 1aad).



(Soomaaliyey aan iska hubsano waxa Carabtu isku heeysato, intaan dekadaheena gantaal lagu hubsan).
3- Haweeney ayaa waxaa ka dhumay 3 kastuumo ( Nigis) oo guriga u tiil, iyada iyo ninkeedii oo isla joogo ayaa gabadhii shaqaalaha guriga ka aheyd Qado u keentay.
Islaantii ayaa gabadhii ku eedeysay inay ka xaday 3-dii kastuumo,Gabadhii oo ooyneysa ayaa tiri: Ninkaaga weydii in aanan anigu weligeyba kastuuno xiran, yaah, yaah!.( fiiri sawirka2aad).

( Maxaa Mas’uuliyiin badan kuwii ay mas’uulka ka ahaayeen ku markhaati furi doonaan)
4- Juxa ayaa yiri: Haddii aan dhinto hala iigu aaso qabuuraha qadiimiga ah ee Tuulada oo 1000 sanno ka hor wax lagu aasi jiray, karfan duq ahna ha leygu karfano, Loox duq ahna haley dul saaro. Waxaa la yiri: Maxaa dhacay?.
Waxa uu yiri: waxaan ka cabsanayaa su’aasha 2-da Mallag waxaan rabaa inaan ku iraahdo: War anigu mar horaan dhintay, oo mar horaa la i su’aalay, xisaabteydiina waa la gudubiyay, Adinka maa soo khaldamay. (fiiri sawirka 3 aad).

(Somaalida Cusub haddii ay ka baqayaan in su’aalaha qaar ay ku adkaadaan, jawaabta ha u doonteen qabuuraha Somalidii hore).

5-Nin ayaa wuxuu ku soo daahay qolka jiifka ee gurigiisa,waxaana ilinka ku sugayay, wiil yar oo deriska ah oo ay isku raaci lahaayeen Beerta Nabaada. Markii uu soo baxay, ayuu wiilkii yaraa weydiiyay Adeer maxaad sidan ugu soo daahday?. Ninkii isaga oo sarbeebayo ayuu yiri: Xaaska ayaan Olyada ka bedelayay. Wiilkii yaraa ayaa ku yiri: Adeer, Xaaskaaga matoorkeedu Olyo cunid badanaa! Shalayna waxaa ka bedelayay Abuukarka deriska ah.
Ninkii isaga oo careysan ayuu wiilkii ku yiri iska bax. Xaaskii ayuu u yeeray oo ku yiri : kaalay Baarka Lido Qoto Qoto ayaan wax ka soo cabeynaa, weligiina Baar ma geyn ee kaligii ayuu bixi jiray soona caweyn jiray, markii ay wax cabeen ayuu u dhaqaaqay dhinicii khasnajiga si uu lacagtii u soo bixiyo. Intii uu ku maqnaa ayaa xaaskii waxaa u timid Gabar Baarka ka qaraabato. Waxay ku tiri: Abaayo ninkaan lacagtaada ka hor marso, anigaa aqaan. Yuuna kaa inkrin, wuxuu arkay iyada oo dhinaciisa la wada taagan yahay.( fiiri sawirka 4 & 5aad).
(Hadda waxay joogtaa xildhibaankaan dowladii hore ayaa Olyada ka bedashay ee Olya cunid badaanaa, jeebkiisu ma buuxsamo miyaa, iyo hebel ha aaminin ee lacagta Mooshinka ka hor marso).
6-Cabdi ayaa galab wuxuu damcay inuu xaaskiisa la baashaalo hal saac, laakiin guriga waxaa joogay wiilkiisa yar. Wuxuu wiilkiisii ku yiri: Waxaad tagtaa koridoorka banaanka ah ee guriga, kadibna fiiri ciddaha deriska ah oo dhan waxay sameeynayaan, hal saac kadibna ii keen war bixinta.
Wiilkii ayaa keenay war bixintii. Wuxuu yiri: Reer Cumar TV ayey fiirsanayeen, Reer Xasana ciyaalkooda ayey la ciyaarayeen, Reer Faaraxna, isaga iyo xaasku waa baashaalayeen .odaygii oo ka shakiyay inuu wiilku wax fahmay ayaa yiri: Sideed ku ogaatay Reer Faarax, wuxuu yiri: Wiilkooda yar ayaa taagnaa koridoorka banaanka ah ee gurigooda sida aniga oo kale.
( Nin Agaasime ahaa ayaa 3-maalmood fasaxay xisaabiyahiisii,kana qaaday furihii khsanadda. Markuu fasaxii ka soo laabaty ayuu weydiiyay wuxuu sameeynay 3-da cisho ee uu fasaxa ahaa? xisaabiyihii ayaa ku yiri: Waxaa la iigaga sheekeynayay, Agaasime tuug ah. Wuxuu yiri: Sideed ku ogaatay inuu tuug ahaa? Wuxuu yiri: waxaa ila joogay xisabiyihiisii oo la soo fasaxay 7-cisho oo Qasab ah).

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip