Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Ka Soo Gaadhay Kooxda Huddersfield Iyo Wiilasha Antonio Conte Ee Blues Oo Ka Soo Kabsaday Guuldaradii West Ham.

0
Wednesday December 13, 2017 - 07:42:19 in Wararka by
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Ka Soo Gaadhay Kooxda Huddersfield Iyo Wiilasha Antonio Conte Ee Blues Oo Ka Soo Kabsaday Guuldaradii West Ham.

    Chelsea ayaa ka soo kabsatay guuldaradii West Ham ka soo gaadhay kadib markii ay cadho wayn kula soo dhacday kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Huddersfield. Chelsea ayaa jawaab fiican ka bixisay in kulankii ugu danbeeyay ay saddex dhibcood ku soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa ka soo kabsatay guuldaradii West Ham ka soo gaadhay kadib markii ay cadho wayn kula soo dhacday kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Huddersfield. Chelsea ayaa jawaab fiican ka bixisay in kulankii ugu danbeeyay ay saddex dhibcood ku soo lumisay London Stadium ee kulankii West Ham waxaana guusha ay Blues ka soo gaadhay Huddersfield ka soo caawiyay Tiémoué Bakayoko, Willian iyo Pedro oo min hal gool dhaliyay.




 

Chelsea ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay jawaab cad ka bixiso guuldaradii ay West Ham United kala soo kulantay wuxuuna Conto ciyaartoyda kooxdiisa ka dalbada in ayna qalad danbe samayn. Qaybtii hore ee kulankan Chelsea ayaa wax walba garoonka ka samaysay iyada oo natiijo ahaan iyo ciyaar ahaanba dhibaato ugu abuurtay kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Huddersfield.

DAQIIQADII 23 AAD Chelsea ayaa jabisay iska caabintii difaacashada ahayd ee ay kooxda Huddersfield ku doonaysay in ay Chelsea iskaga joojiso waxaana goolka furitaanka Chelsea u dhaliyay xidiga eedaynta la soo kulmayay ee Tiémoué Bakayoko kadib markii goolhaye Lossl qalad sameeyay isla markanaa uu Willian caawin sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Blues hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Chelsea ayaa fursado badan u abuuraysay in ay ciyaarta xili hore iska disho si ayna kooxda Huddersfield u heli hami ay ciyaarta ugu soo laaban karto balse wali kooxda martida loo ahaa ee difaacasho wayn ku celinaysay weerarka ay hogaaminayeen Hazard, Willian iyo Pedro oo u muuqday kuwo halis badan abuurayay.

DAQIIQADII 43 AAD Chelsea ayaa la timid goolkeeda labaad kaas oo loo arkayay in ay ciyaarta hurdada ugu dirtay isla markaana ay rajadii kooxda martida loo ahaa ee Hudderfield ay ku dishay waxaana markan goolka labaad ee Blues dhaliyay Willian isaga oo caawin ka helay Marcos Alonso waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Chelsea abuurtay fursado ay ugu qaalantay in ay dhaliso goolal ka badan laba laakiin difaaca kooxda Huddersfield ayaa iska joojiyay waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 ay Chelsea guul ugu taagnayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Chelsea ayaa halkeedii ka sii waday shaqadii fiicnayd ee ay soo qabtay qaybtii hore ee ciyaarta. Chelsea ayaa boosishka ciyaarta boqolkiiba 67% haysatay laakiin jamaahiirta kooxda Huddersfield ayaa wali si xoogan u taageerayay kooxdooda.

DAQIIQADII 50 AAD Chelsea ayaa heshay goolkeeda saddexaad ee dhulka si fiican ugu dhigtay Huddersfield waxaana marka kale goolkan ku lug yeeshey Willian oo sameeyay gool caawintii labaad isaga oo waliba goolka labaadna soo dhaliyay waxaana markan shabaqa soo taabtay Pedro Rodirguez isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Blues ku dubanayso kooxda martida loo ahaa ee Huddersfield.

Waxay noqotay markii ugu horaysay ee Willian uu kulan Premier Leaque ah saddex gool ku lug yeeshay isaga oo laba gool caawineed iyo hal gool naftiisa taariikh ugu sameeyay waxayna waqtigan ka dib ciyaartu noqotay mid si rasmi ah loogu kala calaf qaaday oo Blues saddexda dhibcood isku hubsatay.

Antonio Conte ayaa markii uu saddexda dhibcood isku hubsaday kaydka uga yeedhay  Batshuayi, Danny Drinkwater iyo da’yarka Ampadu wuxuuna ciyaarta ka saaray Kante, Eden Hazard iyo  Christensen laakiin markan ciyaarta ayaa lagu sugayay inta uu waqtigu ka dhamaanayo.

Ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ee dhamaadkii ciyaarta Huddersfield ayaa gool la timid inkasta oo uu yimid xili xeedho iyo fandhaal kala dhaceen waxaana goolka u dhaliyay L. Depoitre kaas oo dhamaadkii ciyaarta natiijada ka dhigay 3-1 ay Blues wali guusha ku raaxaysanayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Chelsea si sahlan ugu soo garaacday kooxda Huddersfield waxayna guushani Blues ka caawisay in ay ka soo kabsatay guuldaradii West Ham United isla markaana waxay Blues la sii dhibco noqotay Man United oo kaalinta labaad ku jirta balse aan kulankeedii wali ciyaarin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip