CIQAAB: Kooxaha Chelsea & Tottenham Oo Mari Doono Kulamo Ciqaab Ku Noqon Kara Xili Ciyaareedkooda Iyo Jadwal Waali Ah Oo Sugaya Antonio Conte & Mauricio Pochettino.

0
Tuesday December 12, 2017 - 12:53:44 in Wararka by
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIQAAB: Kooxaha Chelsea & Tottenham Oo Mari Doono Kulamo Ciqaab Ku Noqon Kara Xili Ciyaareedkooda Iyo Jadwal Waali Ah Oo Sugaya Antonio Conte & Mauricio Pochettino.

    Kadib markii shalay magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu sameeyay isku aadkii wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League waxaa ka soo baxay in kooxaha ree London ee Tottenham iyo Chelsea ay ku aadeen kooxaha Juventus iyo Barcelona waxayna kula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii shalay magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu sameeyay isku aadkii wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League waxaa ka soo baxay in kooxaha ree London ee Tottenham iyo Chelsea ay ku aadeen kooxaha Juventus iyo Barcelona waxayna kulamadani sii xumeeyeen xaalada jadwalka kooxaha Spurs iyo Blues iyaga oo sabab u noqon kara in xili ciyaareedkoodu uu xili horeba soo dhamaan karo.

Tottenham oo waqtiyadii ugu danbeeyay dhibaato ku soo jirtay ayuu tababareMauricio Pochettino haddaba wajihi doonaa kulamo xili ciyaareedka kooxdiisa si buuxda u qeexi doona si la mid ah Antonio Conte oo ay sugayaan kulamo mustaqbalkiisa Stamford Bridge saamayn ku yeelan karaa.

Aan marka hore soo qaadano kulamada layaabka leh ee sugaya macalinka kooxda Tottenham eeMauricio Pochettino kuwaas oo waliba ah kulamo xidhiidh ah oo ay Spurs mari doonto ciqaab adag waana kulamo si cad u saamayn kara ujeedada xili ciayareedkeeda.

 

Imtixaanka Tottenham ayaa bilaami doona sanadka cusub marka ay taariikhdu tahay January 31,2018 markaas oo ay Tottenham soo dhawayn doonto Manchester United laakiin saddex maalmood kadib oo ah February 3,2018 waxay booqan doontaa kooxda cadhada wayn u haysa ee Liverpool oo markeeda isku dayi doonta in ay Spurs kaga aarsato Anfield.

 

Laakiin marklae Tottenham ayaa soo dhawayn doonta kooxda ay colaada wayni ka dhexayso ee Arsenal waxaana kulankan la ciyaari doonaa February 10 laakiin Tottenham ayaa xaalada adag ku sii jiri doonta waxayna February 13 booqan doontaa Juventus ee kulanka Champions Leaque waana kulamo qeexi kara xaalada Spurs ee xili ciyaareedkan.

 

Dhinaca kooxda Chelsea waxay u muuqataa mid ka sii xun Tottenham iyada oo Antonio Conte uu ku qasbanaan doono in uu ka soo dabaasho mawjado kulamo waa wayn ah oo ay kooxdiisu sanadka cusub gali doonto waxaana kulamada waa wayn ee xidhiidhka ah u bilaabi doona kulanka lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions League kaas oo Stamford Bridge ka dhici doona February 20, 2018.

Laakiin afar maalmood kadib marka ay Chelsea la ciyaarto Barcelona waxay booqan doontaa Manchester United iyada oo Conte uu wajihi doono colaada Jose Mourinho dhex taal waana kulanka Old Trafford ka dhici doona Febuary 24,2018 balse xaalada ayaa noqon doonta mid sii xumaatay marka ay Chelsea markale dib ugu laabto isla magalaada Manchester iyada oo March 3,2018 booqan doonta Manchester City waana kulan oo saamayn wayn Blues kaga yeelan kara Premier Leaque.

 

March 10 ayay Chelsea soo dhawayn doontaa kooxda ay cadhada wayn u qabto ee Crystal Palace oo ay guuldaro kala soo laabtay xili ciyaareedkan laakiin March 14 ayaa ah kulan kale oo saamaynta ugu wayn ku yeelan doona haddii ay Chelsea u soo bixi karto wareega siddeed dhamaadka ee UCl isla markaana ay Barca tartankan ka reebi karto iyo haddii ay iyadu macasalaamayn doonto Champions League-ga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip