Waa Kee Laacibka Uu Door Bidayo Lionel Messi Inuu Yimaado Kooxda Barcelona Xidigaha Antoine Griezmann Iyo Philippe Coutinho, Si Ay U Buuxiyaan Booska Neymar Jr?.

0
Saturday December 09, 2017 - 10:24:50 in Wararka by
  • Visits: 1885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kee Laacibka Uu Door Bidayo Lionel Messi Inuu Yimaado Kooxda Barcelona Xidigaha Antoine Griezmann Iyo Philippe Coutinho, Si Ay U Buuxiyaan Booska Neymar Jr?.

    Barcelona ayaa ka soo kabsan la'a dhibaatada dhanka weerarka ka heysata tan iyo markii uu kooxda ka dhaqaaqay laacibka ree Brazil ee Neymar suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, kadib markii ay Paris St Germain ay bixisay qiimaha lagu kasalay heshiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa ka soo kabsan la'a dhibaatada dhanka weerarka ka heysata tan iyo markii uu kooxda ka dhaqaaqay laacibka ree Brazil ee Neymar suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, kadib markii ay Paris St Germain ay bixisay qiimaha lagu kasalay heshiiskii uu ku joogay Cump Nou ee gaadhsiisnaa aduun dhan 222 milyan euro. Kumana aysan guuleysan Barcelona wali inay buuxiso booskii uu ka baxay Neymar marka loo fiiriyo magacyada haatan ku sugan garoonka Cump Nou.



Naadiga Barcelona ayaa dooneysa inay inay buuxiso booska Neymar madaama ay jiraan magacyo la soo jeediyay inay badal buuxa u noqon karaan booskii uu kaga baxay, waxaana hogaaminaya xidigaha Antoine Griezmann Iyo Philippe Coutinho, labadan xidig ayaana ah kuwa ugu dhaw ee la filayo inay xidhaan maaliyada kooxda ree Catalonia.

Laakiin waxaa loo badinayaa Philippe Coutinho inuu noqon doono xidiga ugu dhaw ee yimaada Cump Nou, kadib markii uu Lionel Messi ugu baaxay saraakiisha kooxda Barcelona inay sameeyaan saxiixa laacibka ree Brazil, halka ay u dhaqaaqi lahaayeen soo qaadashada xidiga kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann.

 

Xidiga ree Argantina ayaa wuxuu fikirkiisu yahay in Barcelona ay dalab rasmi ah ay ku qanci karaan u gudbiyaan maamulka kooxda Liverpool, si kaliya ay gacanta ugu soo dhigaan saxiixa Philippe Coutinho xili ciyaareedka soo aadan.

Philippe Coutinho ayaa xagaagii lasoo dhaafay wuxuu bar-tilmaameed buuxa u ahaa Barcelona kadib markii ay ka gudbiyeen afar dalab rasmi ah, laakiin dhamaan dalabyadan ayaa noqday kuwo si fashilan kusoo idlaaday, kadib markii ay iska diideen maamulka kooxda Liverpool, maadaama adeega laacibkan uu si xoogan u aaminsan yahay macalinka ree Gremany Juergen Klopp, wuxuuna ku adkeystay inaanu la iibin xidigiisan ree Brazil.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip