Gaalkacayo Waxay u baahanTahay Darbigii Baarliin!!

0
Wednesday December 09, 2015 - 12:18:15 in Maqaallo by
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaalkacayo Waxay u baahanTahay Darbigii Baarliin!!

    Gobolka Mudug waxaa uu markii hore ahaa Mudug iyo Galgaduud ,waxaa la kala gooyey Sannadkii 1974-tii,ka dib markii la ogaadey Baaxada Gobolka hase yeeshee Gobolkaa dadka ku nool Gobolada kale ee Soomaaliya waxay ku tilmaameen in uu yahay Gobol uu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobolka Mudug waxaa uu markii hore ahaa Mudug iyo Galgaduud ,waxaa la kala gooyey Sannadkii 1974-tii,ka dib markii la ogaadey Baaxada Gobolka hase yeeshee Gobolkaa dadka ku nool Gobolada kale ee Soomaaliya waxay ku tilmaameen in uu yahay Gobol uu ka soo burqado Fidnada Somaaliyeed iyadoo dadka qaar ay leeyihiin haddii dadka reer Mudug heshiiyaan in Soomaaliya arrinteeda meel u dhaceyso.
Bal aan dib u qooraansano Sheekooyinka laga sheego Dadka ku nool Gobolka Mudug ama Gaalkacyo waxaa ka mid ah "Labaatan jir Mudug jooga Ilaah Ceebtiisa ma asturin” , Haddii aad Gaalkacyo Joogto waxay dadka yiraahdaan " Il ku Hurud, Ilna ku soo jeed” Calashaan Dareenka Colaadeed ee ka jira Gaalkacayo, waxaa la sheegaa markaad dooneyso ina ad Maqaayada Fariisato ma arkeysid dad Laba laba ama Sadex Sedex u fadhiya, Nin walba Kursigiigsa ayuu la raadsadaa meel Darbi ah si aan Gadaashiisa looga imaan oo aan loo gaadin.AmiinMa yara Sheekooyinka laga bixiyey Magaalada Gaalkacayo waxaa Magaalada la ii sheegey in waagii hore uu Magaalada ka furnaan jirey Dukaan lagu magacaabo "FACAA ISKA DHICI” Waxaa Dukaankaas lagu iibiyaa Tooreeyada, Mindiyaha, Sakiimaha , Baangadaha iyo Warmaha, waxaa kaloo ka mid ahaa Sheekooyinka laga soo wariyey Magaalada Gaalkacyo, Xiligii Gumeystahii Talyaaniga ayaa waxaa ku batey Dacwada labada reer oo deggen Magaalada Gaalkacyo markaasuu yiri " Qalaf Jalaf iyo Waxaan afku karin”, sidoo kale nin Carab ayaa tegey Magaalada Gaalkacyo waxaa isna ku badatey Dacwada reer Hebel ayaa Geelii dhacay markaasuu yiri "Kulli Fidna Cindi Geel” isagoo sheegey haddii aan geel jirin in Xaaladda Gaalkacyo wax badan ay hagaagi lahayd oo dadka Nabad ku noolaan lahaayeen ,

Nin Odey ah ayaa maalmahii ay kacasaneyd Xaaladda Gaalkacayo wax iga weydiiyey markaas baan iri” Adeer maanta Gaalkacayo waa nabad " inta i soo fiiriyey ayuu yiri " Waa Nabad aaa, umaleyn maayo in Gaalkacayo Nabad Noqoneyso "Markaas baan ku iri " Adeer maxaad Nabad ugu diiddan tahay " isagoo careysan buu yiri " Adeer Dad isku tixgelin waayey Islaanimo, Soomaalinimo,Dersnimo, Xigto iyo Xigaalo iyo Abtinnimo, marka aniga waxaan qabaa in dadkaas la dhex dhigo Darbigii Baarliin”

Inta naxay ayaan iri " Adeer taasi kuguma raacsani waayo ma aha Magaalo la kala go’yn kara,Colaada Jirtana waa iska dhammaan doontaa Derbi la dhex dhigo Magaalada waxba soo kordhin maayo ” inta si xun ii eegey buu yiri " Aniga Xal kale ma hayo oo aan ka ahayn in Darbi la kala dhex dhigo waayo aniga oo yar baan maqli jirey Colaada Gaalkacayo”

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu tiriyaa Magaalo uu Gumeystihii reer Yurub ay ku adkeyd in uu siduu doono ugu dhaqdhaqaaqo, taasina waxay keentey in maalin Cad uu ka cararo Gumeysigii ayna qaadato magaca GAALKACYO, marka waxaa ayaandarro ah in Magaaladaas diiddey in Gumeysigii Yurub uu saldhigto in maanta ay ku soo laab laabtaan dagaallo aan lagu gaareyn wax natiijo ah hana la yaabin Hadalka ninka odeyga ee yiri " Magaalada waxay u baahan tahay Derbigii Baarliin” waayo waxaa ku soo laab laabtey Colaada Gaalkacayo oo xal u arkey in Debigaas ay ku badbaadi karaan dadka deegannadaas deggan



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip