Saxaafada Gobolka Catalonia Oo Dab Ku Shiday Garsoorka Kulankii Barbaraha Kusoo Idlaaday Ee Barcelona Iyo Valencia, Kadib Markii Uu Gool Cadaan Ah Ka Diiday Lionel Messi.

0
Monday November 27, 2017 - 09:05:24 in Wararka by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafada Gobolka Catalonia Oo Dab Ku Shiday Garsoorka Kulankii Barbaraha Kusoo Idlaaday Ee Barcelona Iyo Valencia, Kadib Markii Uu Gool Cadaan Ah Ka Diiday Lionel Messi.

    Wargeysyada kasoo baxa gobolka Catalonia ayaa waxay dabka ku shideen garsoorkii maamulayay kulankii xiisaha badnaa ee la wada sugayay ay kooxaha Valencia iyo Barcelona dhibcaha ku kala qeybsadeen Mestalla Stadium ee Iglesias Villanueva, kadib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeysyada kasoo baxa gobolka Catalonia ayaa waxay dabka ku shideen garsoorkii maamulayay kulankii xiisaha badnaa ee la wada sugayay ay kooxaha Valencia iyo Barcelona dhibcaha ku kala qeybsadeen Mestalla Stadium ee Iglesias Villanueva, kadib markii uu kulanka kusoo idlaaday barbaro

Laakiin inta uu kulanka socday ayuu garsoore Iglesias Villanueva ka diiday kooxda Barcelona gool sharci ahaa 100% uu dhaliyay xidigaha ree Argantina ee Lionel Messi, kadib markii ay kubada in badan dhaaftay xariijinta, laakiin garsoorka ayaan u xisaabin gool.

Wargeyska "Mundo Deportivo” oo caanku ah inay ka mid tahay kuwa kasoo baxa gobolka Catalonia kuwooda ugu afka dheer, ayaa ku tilmaamay dhacdadii kulankan ka dhacday mid fadeexad ah wuxuuna soo qoray "fadeexad”,

Halka "Sport” oo isna ka mid ah kuwa kasoo baxa gobolka Catalonia uu cadho xoogan kala dul dhacay garsooka, kadib diid madii goolkii Lionel Messi, wuxuuna ku tilmaamay "Ceeb” wuxuuna ku tilmaamay falkii uu u ku kacay garsoorka "Xatooyadii qarniga”.

Si kastaba Barcelona ayaa kulankii labaad ee La Liga ah xili ciyaareedkan dhibco lumisay laakiin farqiga dhibcihii ay Valencia oo kaalinta labaad ku jirta ay isku jireen ayayna waxba iska badalin. Valencia iyo Barcelona ayaa wali ku sii jiri doona guuldaro la’aan horyaalka La Liga ah. Laakiin goolkii cadaanka ahaa ee laga diiday kooxda Barca ayaa waxay si xoogan kaga cadheysiisay saxaafada gobolka Catalonia oo ugu dambeyn si xoogan ugu dhaleeceeyay garsoorka maamulayay kulankan ee Iglesias Villanueva.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip