Waxtar intee le'eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool ?

0
Sunday November 26, 2017 - 23:04:10 in Wararka by
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxtar intee le'eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool ?

    Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aan isleeyahay ma jiro wax uga muhiimsan dadkaSoomaalida eemaanta nool, Gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda ee ka kooban 18-ka gobol. Mowduucan, Ayaa ku saabsan midnimada iyo w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aan isleeyahay ma jiro wax uga muhiimsan dadkaSoomaalida eemaanta nool, Gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda ee ka kooban 18-ka gobol. Mowduucan, Ayaa ku saabsan midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka. Waxaanainta aanku guda jiro qormadeyda ka jawaabi doonaa su'aasha aan cinwaanka uga dhigay maqaalka oo ah : Waxtar intee le'eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool ?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi muhiimka ah, Aan marka hore waxoogaa kawaramo dadka Soomaalida iyo waxa ay isu yihiin, Taasi ooruntiisawir buuxa naga siin doonta waxtarka ay midnimadu u leedahay dadka aan ka waramayo ee ehelka ah. Dadka Soomaaliyeed, Ayaa ah dad walaalo oo ay mideysay diin, dhalasho,dhaqan soo jireen iyo waliba xididtinimo aad uadag. Waxa ayna isku leeyihiin sedex xuquuq oo kala ah: Xaqu-diin, xaqul-qaraaba iyo waliba xaqul-jaar.

Sedexdan xuquuqood ee aan soo sheegay, Ayaa ah sedexarimood oo uu kugu leeyahay qofkaSoomaaliga, Gaar ahaan marka uu magaalokugula nool yahay oo kale. Haddii uusan kugula nooleynna, Waxa uu qofkaasi kugu leeyahay labo xaq oo kal ah: xaqu-diin iyo xaqul-qaraabah. Tusaale ahaan, Haddii aadku nooshahay magaalada Luuq Ganaane oo kale oo ah magaalada aan ka soo jeedo, Waxa uu kugu leeyahay qofka Soomaaliga ah ee magaaladaasi kugula nool sedexda xaq ee aan kor kusoo sheegay.

Dadka Soomaalida oo ahdad Muslimiin oo ay ka dhaxeyso walaalnimada Islaamka ee macaanka badan, Hadanasidoo kale waxaaka dhaxeeyo qaraabanimo iyo xididtinimo aad u adag oo waliba qiimo badanugu fadhida agtooda. Qaraabanimadan iyo xididtinimadan adag, Ayaawaxa ay ka dhigeen bulshada Soomaalida mid iskuxiran oo dhinac walba iska kaalmeysa. Waana sababahaasi sababaha ay uga badbaadeen taxadiyo badan oo soo wajahay sida shirqoollo shisheeye oo kale. Waxaa sidoo kale dadka Soomaalidaka dhaxeeyo dhaqan iyo luuqad aad u hodan ah.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta cinwaan uga dhigay: Waxtar intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida ee maanta nool? Jawaabtu waxaan leenahay waxtar weyn ayey midnimaduu leedahayAnagoo waliba faahfaahin doona arinkaasi, Islamarkaanan u keeni doono dalaa’il fara badan. Midnimadu, Waxa ay waxtar weyn u leedahay Umaddeena, Bal waxaan oron karaa waa waajib in ay midoobaan maxaa yeelay, Waxaa arinkaasi ku jira guushooda iyo walibawanaaggooda.

Walaalayaal,Midnimadu waxa ay umaduhu ka dhigtaa kuwa adag oo aan marnacadowgoodu soo hunguriyeyn karin. Halka tafaraaruqa iyo kala-taguna uu umaduhuka dhigo kuwa jilicsan oo si fududla dhexgali karo, Islamarkaana la maamulan karo haddii aanbala qabsan. Taana waxaanadaliil u ahxaalkeenna shalay iyo midka aanumaanta ku sugannahay ee liita. Shalay, Waxaanu ahayn qaran xoog leh oo aan marna cadowgu soo holin karin. Halka uumaantu dhex siqayo gudaha dalkeenna, Isagoo waliba garsoore mukaram ah.

Shalay, Markaannu mideysneyn, Waxaanu ahayn dad sharaf leh oo Caalamka laga ixtiraamo, Islamarkaana la qadariyo. Halka aan maanta naalno meel aad uliidata.Tafaraaruq iyo kala-tagwaxay na bideen incadowgeennii soo jireenka ahaa uu maantafursad u helo in uu ku hamiyo in uudalkeennasi tartiib tartiib ah ula wareego ama uu sii baabi’iyo, Isagoo waliba taageeroka helayo quwado shisheeye oo aannu isla ognahay kuwa ay yihiin. Taana waxaadaliil uah dhacdadii Qalbi-dhegax ee xanuunka badneyd.

Midnimadu, Waxa ay umadahu u horseeddaa inay iska difaacaan duulaan kasta oo dibadda kaga yimaado iyo waliba xittaamidka gudaha. Tusaale ahaan, Marka aadmideysan tahaycidina kuma soo dhiiran karto inay wax ku yeesho, Laakiin marka aad qeybsan tahay cid walba waxa ay awood u leedahay inay ku dhibaateyo. Waana sababtaasi sababta ay u dhaawacan tahay midnimada iyo madaxbanaanida dalkeenna. Shalay, Ma jirinshisheeye awood u leh inuu soo farageliyo arimaha gudaha ee dalkeenna.

Shalay, Ma jirinshisheeye ku dhiiran karay in uu boobo kheyraadka dalkeenna Iskabadaaye inuu si fudud ufurto saldhigyo militari oo qatartooda lehe. Laakiinmarkii la iskhilaafay, Waxaa dhacay in qolo walba ay timaaddo, Iyadoo dooneysa in aysaldhigyo militari furatoiyowaliba Iyadoo dooneysainay si fudud ula wareegto ilihii dhaqaalaha ee dalkeennasida dekedihii oo kale. Sow wax lala yaabo ma’ahan in duweylatu Imaaraad Al-cibriyah ay maantadamaacisodalkeenna, Iyadoo walibaujeeddo badan ah !!

Midnimadu, Waxa ay umaduhu u horseeddaa horumar xag kasta ah sida mid dhaqaale, mid militari iyo waliba mid bulsho. Tusaale ahaan, Marka aad umad ahaan iyo dal ahaan umideysan tahay, Islamarkaana aad heysato hogaan wanaagsan oo leharagti dheer, Ayaad sameysaa dhaqaale iyo horumar baaxad leh. Waana sababtaasi sababta ay u hormareen dalalka barwaaqada ah ee aannu maantanaqaano sida Maraykanka oo kale. Sidee dhaqaale iyo horumar u sameyn kartaa yaa turaaAdigoo kala qeybsan oo hadana is-dilayo? Kallaa wallaaah.

Wey adag tahay runtii in la helo dhaqaale iyo walibanolol wanaagsan oo sharaf ku dhisan,Iyada oo uu jiro khilaaf iyo tafaraaruq baahsansida midka haddaka jira gudahadalkeenna oo kale.Waana sababtaasi sababta keeneysa inla wareego dibadaha, Iyadoo la weydiisanayo kaalmo iyo mucaawino shisheeye. Ma taqaanaan waxa ku qasbayo madaxda hogaamisa maamulada ka jira gudahadalkkeennainay dibadahawareegaan? Ma taqaanaan waxa ku qasbayoC/wali Gaas inuu dibadaha wareego, Isagoo walibahogaamiyo maamul lokol ah ?

Waa iska caadi runtiiin sidan loo noolaado marka la diidomidnimo iyo wanaag. Waa iska caadi xaqiiqdii inuuxaalkusidan noqdo marka la doorbido khilaaf iyo tafaraaruq, Iyadoo la midoobi karo si loo waajaho taxadiyada badan ee jira. Anigu, Waxaan aaminsanahay haddii Soomnaalidu aymidowdo, Islamarkaana ay hesho hogaan caadil ah oo leh karti iyo aragti dheer in dalkani laga dhigi karo dal barwaaqo ahsababo la xariira kheyraadka baaxadda leh ee uu Alle ku maneystay iyo waliba goobta uu ku yaallo ee istiraatijiga darteed.

Tan kale, Ma jirtaa wax aan ka faa’iidnay midnimo la’aantii aan ku jirnay dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ? Ma jiraa qof ii sheegi kara waxa laga faa’iiday khilaafkan aan macnaha lahayn ee shaqada laga dhigtay ee mararka qaar sababta u noqda inuu daato dhiig xaaraam ah ? Mase loo jeedaa dhibaatooyinka ay dhex-maquuranayaan dadkeenna dal iyo dibadba ee ay midnimo la’aantu keentay iyo waliba shirqooladashisheeyaha? Sow lama oga in uu dhaawac soo gaaray sharafkii iyo karaamadii aannu lahayn ?

Midnimadu ma’ahan wax wanaagsan oo kaliya bal waajib diini ahsida laga fahmayo nusuus badan oo isugu jirta aayado qur’aaniyo axaadiith saxiix ah. Waxaana ka mid ah aayadda 103-aad ee suuratu Al-cimraan oo uu Alle ku leeyahay"Qabsada xarigaAlle dhamaatiin hana kala tagina”—–ilaa aakhiri aayah. Aayad kale, ayaa waxa uu Alle ku leeyahay sidatan ”Ilaah adeeca iyo Rasuulkiisa, Hana murmina oo aad markaasi fashishaan, Ka dibna ayawooddiina kala takto”—– aakhiri aayah (Anfaal 46)

Labadan aayadood, Waxaa laga qaadanayaa in midnimadu aywaajib ku tahay dadka Soomaalida oo aysan marna ka tagi karin,Halka ciddii ka taktaana ay ku danbaabeyso. Sidee loogatagayaa yaa turaaamar Alle oo waliba waajib ah? Waxaa kaloo labadaasi aayadoodlaga qaadanayaa in fashilku uu ku xiran yahay kala tagga iyo walibais-khilaafka. Bal fiiriya waxaa maanta ka socda gudahadalkeenna ee foosha xun. Ma wax wanaagsan baa in dadka Soomaaliyeed ay maanta ku kala dhex jiraan ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan kuwa ka socda maamulkaXabashida !!

Waxaa sidookalemidnimada ku soo arooray axaadiith saxiix ah. Bal ila fiiriya xadiiskan qiimaha badan ee uu Nabigu ku leeyahay"Ilaahay waxa uu raali idinkaga noqday sedex arimood, Waxa uuna idiin nacay sedex kale. Alle, waxa uu raali idinkaga noqday inaad Isaga caabuddaan oo aydan u shariik yeelin, Waxaa kaloo uu raali idiinkaga noqday inaad xarigiisa qabsataan oo aydan kala tagin—Ilaa aakhiri xadiith. Xadiith kale ayaa ahaasidatan ”Waxaan idin amrayaa midnimada, Waxaana idinkaga digayaa furqada (kala tagga) ”



Haddii aan wax ka niraahno dhanka suugaanteennaoo runtii kaalin weyn ku leh hab-nololeedka Bulshadeennaxilli kasta oo la joogo. Waxaad arkeysaa boqolaal gabay iyo bololaal maahmaahyood oo dhamaantood boorinayo midnimada iyo wadajirka. Bal aan soo qaadanno gabaygan ka hadlayo qiimaha midnimada [Tabantaabadaayey labo gacmood tabar ku yeeshaane, Tiska waxaa la qaadaa markii ay tiirisa bidixduye, Haddii ay midigtu kali taagan tahay tahar ma goyseenee] halka maahmaah Soomaaliyeed ahayd [Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan]

Dhammaan nusuusta aan soodaliishaday iyo walibamurtidii kale eeaan ka soo qaatay suugaanteenna hodonka ah, Waxay dhamaantoodnagu boorinayaan in midnimadu ay tahay wax wanaagsan oo ay umaduhu ku hormaraan. Waxaa kaloo ay nusuustaasi noo cadeyneysaa in midnimadu ay tahay midda keenta horumarka iyo barwaaqada iyo waliba xoogga wax la isaga difaaco. Waana sababtaasi sababta ay dadyowgu Dunidamarwalbaugu dadaalaan midnimadooda. Wali ma aragteen shacabka Mareykanka oo ku baaqayo kala-tag iyo in dalkooda la kala qeybiyo?

Hadabo,Si loo ilaaliyo midnimadaasi qiimaha badan, Waa lagama maarmaan in la xaliyo dhammaan dhibaatooyinka ka dhexjira dadka Soomaalida gaar ahaan kuwa hortaagan in dowlad wanaagsan la helo, Taana waxay u taallaa guud ahaan dadka waxgaradka, Gaarahaan raggamaanta horboodayo maamulada ka jira dalka sida Dowladda Federaalka, Xarakada Al-shabab, Maamulka Soomaaliland, Buntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyowalibaJubbaland.Ogaadana in taariikh qormeyso.

Ugu danbeyn,Markan hadalka soo uruuriyo, Midnimadu waa sharaf,haybad,xoog iyo walibahanti aan dhammaan. Sidoo kale, Midnimadu waa furaha guusha sida laga fahmayo nusuustii aan soo sheegay iyo waliba murtidii Soomaaliyeed ee aansoo tilmaamay. Waxaana ugubaaqayaa dadka Soomaaliyeed ee maanta nool in ay ku dadaalaan midnimada dalkoodasi loo wajaho taxadiyaadka faraha badan ee maanta jiraiyo walibakuwa imaan doona sanadaha soo socda. Soomaali ha noolaato Iyadoo sharfan.

W/Q: Maxamed Ibrahim

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip