( Haweenka Qurbahow xaal qaata,anaguna markaad soo buriseen ayaan xildhibaan ka dhiganay).Nasashada Jimcaha.Q-71aad.

0
Friday November 24, 2017 - 13:50:43 in Wararka by
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ( Haweenka Qurbahow xaal qaata,anaguna markaad soo buriseen ayaan xildhibaan ka dhiganay).Nasashada Jimcaha.Q-71aad.

    1-Islaan Yurub joogta ayaa ninkeedii oo Soomaaliya jooga u soo saartay dal ku gal uu Yurub ku tago, markii uu baxayay ayaa saaxiibadii ku yiraahdeen: Yurub iska ilaali haweenkii waxay bilaabeen inay ragga ku khasbaan inuu guriga ka shaqeeyo. Maalint

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Islaan Yurub joogta ayaa ninkeedii oo Soomaaliya jooga u soo saartay dal ku gal uu Yurub ku tago, markii uu baxayay ayaa saaxiibadii ku yiraahdeen: Yurub iska ilaali haweenkii waxay bilaabeen inay ragga ku khasbaan inuu guriga ka shaqeeyo. Maalintii uu tagay ayaa xaaskiisu xasuusatay inay Caawa tahay sanad guuraagii 19 aad ee Aqalgalkoodii, waxay soo iibisay 19 xabo oo shumac ah iyo Ubax fara badan, waxayna ubaxii ku daadisay Sariirta dusheeda (Romantic night).
Markuu qolkii jiifka soo galay ayuu ku qeyliyay: Naayaa uunsigan aad shiday ee aan carfayn iyo coowskaan aad sariirta saartay waan arkaa, ee waxba qashinka guriga ha ku badinin iga waloo adiga umbaa xaaqi /Nadiifin doontide. Fiiri Sawirka 1 & 2aad.
( Haweenka qurbahoow xaal qaata, adinkaa war mooge muunadeeyay, anaguna markaad soo buriseen ayaan xildhibaan ka dhiganay).
2-Wadaad ayaa dhalinyaro uu wacdinaayay ku yiri: Gabdhaha fiiriska ka daaya, haddii ishu hal mar kaaga dhacdo dambi ma ahan. Laakin yaan loo celin mar kale. Cali qiil doon, oo dhalinyarada ka mid ahaa ayaa yiri: shiikhoow, haddii aan isha ku hayo halkaa mar illaa ay ka miriqdo oo aanan mar kale u celin dambi miyaa?. Fiiri Sawirka 3aad.


( Cali qiildoon, Aabihii oo masuul ahaa ayaa yiri: Halka mar oo aan xilka hayo oo kaliya hadaan wax xado oo aanan mar kale u noqon ma dambiyaa?).
3- Maanta oo taariikhdu tahay 21-kii Oktobar 2017 nin ayaa yiri: shiikhoow mas’aladaan iiga jawaab, in aan tooba keeno ayaan rabaa ? Soo daa.
Gabar cuntada u Karin jirtay jabhadii SNM ayaa waxaa soo eryaday ciidamadii kacaanka ,waxay i tiri I badbaadi waa idilayaane, waxaan soo galiyay gurigeyga qol dhulka hoostiisa ka dhisnaa. Shiikhii ayaa yiri: wax wanaagsan ayaad sameeysay ajir ayaadna ka helee. Shiikhoow sug, waxaan ahaa nin doob ah, si sharci dara ah ayaan wax uga raadin jiray, shiikhii ayaa yiri: Dambi ayaad gashay ,horena wanaag ayaad u smeeysay, ajarkaaga iyo dambigaaga ayaa la isku miisaamayaa kii bata ayaa la arkaa, inksta oo aad dambiga gashay 1990kii ka hor, waxa haboonayd inaad mar hore ka tooba keento. Shiikhoow sug .shiikhoow hadda intaan ugu tago qolkii aan ku qariyay ma u sheegaa in mar hore kacaankii la riday oo SNM ay guuleeysatay.Fiiri Sawirka 4 & 5aad.
(waxaan soo xasuustay sheekadan, markaan maanta xafiiska ku arkay wasiir weli madaxiisa kacaankii ku qafilan yahay) .
4- Oday reer Cadaado ah ayaa Maqlay Waddaad dadka wacdinaya oo ka hadlaya maalinta la isa soo bixinayo ee Qiyaamaha. Wadaadkii Muxaadaradii markuu marinayo in "Maalinta Qiyaamaha ee qoraxda la soo dhaweeynayo waa maalin kulul , ummadihii naga horeeyay oo dhan ayaa la soo bixinayaa,waa la wada qaawan Yahay, la baahan yahay , cunto iyo cabitaan midna ma jiro.
Shiikhii halkaa markuu marayo ayaa Odaygii reer Cadaada ahaa yiri: Alla tol beelayey, Halkaa yaa Maqaaxi ka furta!. Oo umadihii horena biilka dahab ku dalacda ,kuwii dambana doollar bixiya ku yiraa… Ar reer Cadaado iyo maqaayadaa!!! Farax Gololeeyay ayaa hore u sheegay.kkkkkkkkk. Fiiri Sawirka 6& 7aad.
5- Gabar yar ayaa iyada oo la joogta Aabaheed iyo Hooyadeed guriga oo qado cunee, ayaa waxay tiri: Hooyo Aabe maanta gabar ayuu luuqa la taagnaa, odaygii ayaa yiri: (( Naa aamus adiga oo wax cunaya lama hadlee). Hooyadii ayaa tiri: odaygaan warkiisa naga dhaaf ee ii wad sheekada. Maxeey sameeyeen?.
Gabadhii ayaa tiri: waxay sameeyeen Wixii adiga iyo adeer Farax aad sameeyseen ,markii Aabe maqnaa. Hooyadii ayaa ku tiri: (Naa aamus sow Aabe kuma dhihin adiga oo wax cunayo lama hadlo).Ceebta Alla ha asturo ..fiiri sawirka.8aad.
( Madaxweeynihii maamul gobaleedka XXX Imaaradka waxa uu ka doonay ma taqaan, maya muxuu ka doonay, sida kuwii asaga ka sareeyay ay sameeyeen, QARAAB ayuu ka doonay. Naga aamus madaxdu qaraab ma doonatee, howl qaran ayay u tageen halkaa).
6- Gabar ayaa tiri: Hooyo markaan yaraa, adiga iyo Aabe marka aad wax isku qabsataan ,waxaad gali jirteen qolka jiifka ,waxaadna ka soo bixi jirteen adinka oo heshiis ah, hadda oo dad waaweeyn aad tihiin, maxaa idinku dhacay?. Waxaad soo baxdiin adinka oo aan heshiis ahayn oo weli isku qaylinaya.
Hooyadii ayaa ku tiri: waxaa dhintay shiikhii qolka nagu heshiisiin jiray.Fiiri Sawirka 9aad.
( ummadaan kuwii heshiisiin jiray miyaa ka dhintay).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip