MAQAAL: LIXDAN SANO MAR LAGA JOOGO, IYO MAANTA!!

0
Tuesday November 14, 2017 - 10:37:37 in Wararka by
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: LIXDAN SANO MAR LAGA JOOGO, IYO MAANTA!!

    Dad badan oo aan waagaas dhalan, ayaa la yaabi doona, Cinwaanka aan Maqaalkan siiyey,laakin intayadii soo joogney sanooyinkaas, garashana u lahayd xaaladdu sidey ahayd iyo waxaan ku taameyney beryahaas,maanta qosol iyo farxad midna meel uma yaal. Wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan oo aan waagaas dhalan, ayaa la yaabi doona, Cinwaanka aan Maqaalkan siiyey,laakin intayadii soo joogney sanooyinkaas, garashana u lahayd xaaladdu sidey ahayd iyo waxaan ku taameyney beryahaas,maanta qosol iyo farxad midna meel uma yaal. Waxaan doonayaa inaan mid mid ka taabto,waxaan filayney waagaas, ama sidaan islahayn, Dalkeennu wuu noqon doonaa, iyadoo halgan lixaad leh laga soo maray dib u xoreynta Dalka.

Lixdan sano,mar laga joogo,waxaan ku taameyney xorriyad noo soo iftiimeysey,waxaan rajo ka qabney inaan noqon doonno dad xor ah oo ku noolaan doona Dalkoodii xoroobey. Waxaan kaloo islahayn, in Xisbigii weynaa ee SYL,oo la dagaallamay qabyaaladda,meelna iska saaray waagaas , inuu u soo hoyin doono Dalkeenna guulo badan oo kale. Waayahaas Dadweynuhu,waxay ku noolaayeen farxad,qof kastaana shaqadiisa ayuu watey oo buuqa, isneceebka, is-xulafeysiga, iyo isqabyaaladeysiga, maanta jiraa, ma jirin. Dadku, dhaqankooda iyo Diintoodaba si hagaagsan ayey u heysteen oo ma jirin tafaraaruqa Diinta iyo dhaqan-guurka maanta caadada inoo noqday.

Dad Dalkooda ka cararaya oon garaneyn meel ay u jeedaani ma jirin. Ma jirin Qaswadayaal, Xaaraan-quutayaal iyo qaar la mid ahaa. Xilliyada roobabka, Allaha Weyni waqtigooda ayuu na siin jirey oo waan barakeysneen, xooluhuna ma waayi jirin waxay cunaan. Caruurta yar yar iyo Hooyooyinkooduna nolol barwaaqo leh, ayey ku noolaayeen. Dadku , waa is aammini jirey oo tuugado Dalka, wey ku yareyd,waxana jirtey dadka dhexdiisa,walaaltinnimo buuxdey oo kalgacal lahayd. Derisku cusbadey kala qaadan jireen, oo kii jirran ama dhibaateysan waa laga warqabey.

Hooyooyinka Reer guuraaga ahi, calaacalaha kor uguma taagi jirin Caalamka iyo Qarammada Midoobey toona (oo maba ay aqoon), iyagoo ka tuugaya in Caana boore iyo Galley lala soo gaaro !! Waagaas Reer guuraagu,markey maqlaan guuxa gaariga ama arkaan mid cad, wey carari jireen, ciyaalkooduna af labadiis bey yeeri jireen!! Dadku wey dhowrsanaayeen, oo qof kastaaba shaqadiisa ayuu ku hawlanaa, Adduunkuna nooma aqoon sida maanta uu noo yaqaan, oo waxaan ahayn Lamayaqaan Luqun madow! Waagaas Dalku waa xasilloonaa oo nidaam buu lahaa,oo waxa la tixgelin jirey Diinta iyo Dhaqankeenna suuban, Qabaa’ilkuna waxay caleemasaaran jireen qof caqli iyo hufnaan lagu yiqiin.

Qabaa’ilku haddey dagaallamaan waa loo gurman jirey, si dadkaas loo kala badbaadiyo, waxana la ogaa, in nabaddu tahay lama huraan iyo raa’sumaal la keydsado. Sidoo kale Siyaasadda, sida maanta loo yaqaan looma aqoon, oo waagii hore iyadaas, lacag laguma gurubsan jirin, Dadkuna lacagta waxay ka jeclaayeen sharafta ay leeyihiin. Qofka lagu sheego,inuu wax khiyaanay, iskama aammusi jirin oo waa ka gilgilan jirey arrintaas, maantase lacagta iyo hawo Adduun ayaa ah, bartilmaameedkeenna ugu weyn inta aannu noolnahay.

Maanta, Dadyow qalaad oo qaarba meel nooga yimid, ayaa iska dhex mushaaxaya Dalka, iyadoo eeyan jirin wax yac ka leh arrintaas, iyadoo annagii Dalka lahaynna, aan saboolnimo, gaajo,iyo cudurro, derbiyada la jiifno !! Maanta beereheennii, waa la soo cidleeyey oo dadkii falan jirey, caasimadda hareeraheeda ayaa lagu quudiyaa, waxanaan iyagaasna u rajeynayaa, in Ilaah ka qaado dhibaatooyinka heysta oo ay ka soo qaxeen.

Sidaasoo kale, reer guuraagii lagu dhaadan jirey, xoolahoodii wey ka soo haajireen, oo beldaanka ayey xoog u soo galeen, iyadoon rajo laga qabin, iney dib ugu laabtaan xoolihii ay dhaqan jireen! Waagii hore, ra’sumaalka ugu weyn oo Dalkeennu lahaa, wuxuu ahaa Xoolaha iyo Beeraha, labadiibana maanta,faro inookuma jiraan oo waa la dayacay! Maanta, Dhulku geeduhuu huwanaa waa la dhuxuleeystaa, oo dibeddaa ayaa loo dhoofiyaa, halkaasoo mar dhow lagu diimi doono geed la harsado iyo mid si kale loo anfacsadoba.

Ogaada! Taasi waa xaalufin uu ka danbeeyo dhul Saxara ah sida dhulalka Carbeed oo kale!!

Talo u soo jeedin Dawladda iyo inta kaloo xilka Dalku, uu saaran yahay maanta:


1) In Xaalufinta Degaanka wax laga qabto iyadoo dhuxusha dibedda loo dhoofinayo, Dalkoo dhan laga joojinayo.
2) In Dalkoo dhan laga hirgeliyo waxa loo yaqaan Wacyigelinta Dadweynaha,si dadweynaha loo tusaaleeyo waxyaabaha iyaga iyo Dalkaba u roon. ​​​​​​​​​​

Soomaaliyeey, haka quusannina naxariista EEBBE, Midooba oo u Toobadkeena ALLAHA WEYN!!
Waxa qoray maqaalkan,
Dr. C. A. Garraani
Taar/Nov. 2017



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip