MAQAAL: NIN DOORBIN SITAA DALKI DUMINAYA

0
Saturday November 04, 2017 - 11:51:24 in Wararka by
  • Visits: 1540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: NIN DOORBIN SITAA DALKI DUMINAYA

    Madaxda dowlad goboleedyada waa niman sita doorbin oo u jeeda wax aad u kooban oo ah inta ay ka arkaan doorbinka, markaasey rabaan in dalka iyo dadka lagu dhaqo xoogaaga ay arkaan oo aad u kooban…ninki aragtidooda ka soo horjeestana waa cadawg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda dowlad goboleedyada waa niman sita doorbin oo u jeeda wax aad u kooban oo ah inta ay ka arkaan doorbinka, markaasey rabaan in dalka iyo dadka lagu dhaqo xoogaaga ay arkaan oo aad u kooban…ninki aragtidooda ka soo horjeestana waa cadawga ummadda.. Madaxdaan gobollada waxaa la rabaa inay ka jawaabaan su'aalahaan soo socda:

-Waa kee cadawga Somaliya sideena lagu garan karaa?

– Ninki cadawgaaga hubeeya saaxiib ma ka dhiga kartaa?
– Saaxiibka cadawgaaga adiga moxow kuu yahay?
– Saaxibka ku taageera oo ku taakuleeya ninki la collooba moxow kuu yahay?

Nassib darrada na heysata waa Madaxda gobollada ka taliya ee danahooda ugu waaweyn ay yihiin inay jeebka wax ku shubtaan kaddibna isaga baqoolaan dalkaan sii dumaaya maadaama ay inta jagooyinka ka heysa dowlad goboleedyada boqolkiiba sideetan (80%) waa dad qurbaha ka yimid wax ummaadaan dan u ahna aysan marna ka fikirin.

Waxay isu arkeen inay yihiin madaxda dalkaan ka taliya sidi uu ku dhawaqaqay boqorkii Fransiiska ee la dhihi jiray Louis XIV laasoo yiri ”I AM THE STATE” dowladda waa aniga,tasuu ula jeeday inuu yahay qofka ay wax kasta ka go’aan, awooda oo dhanna ay gacantiisa ku jirto.

Image result for doorbin


Waxaan taa xaqiijiyay C/weli Gaas oo yiri dowladdy waa annaga, Shariif Xasan waa yiri ”HAWADA AYAAN KA TALINAA, DHULKANA SHABAAB”, taasoo micnahedu yahay inaysan jirin dowlad ay aqoonsan yihiin sida la soo faray markey tageen Imaaraatka.

Madaxda gobollada waxay isu heystaan inay yihiin tiirarka ay dowladdu ku taagan tahay waayoo waxay xukuumadi ku khasbayaan inay khilaafka ka jira Khaliijka dhinac raacdo dhinacaas oo ah kan iyaga soo kireystay kaddib markuu nin waliba soo siiyay xoogaa gacan qabsi ah si ay dowladda ugu khasbaan inay raacdo dhinaca Imaaraatka. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in iyaga iyo Shabaab ay hal naas wada nuugaan wax dan ah ay ummadda u haauyaana aysan jirin. Waa niman dalka iyo dadka ay beec u yihiin diyaarna u ah inay dhaafsadaan xoogaa laaluush ah oo aad u yar marka loo qiyaaso badeecada ay wareejiyaan oo ah dal dhan danihiis iyo ummadda ku nool.

Madaxdaan gobollada doorbinka ay sitaan waxaa u muuqda DOOLAR kaliya wax kalena ma arkaan.

Haddaba, haddii ay sii jiraan oo aan wax laga beddelin siyaasadda dowladda waxaa hubaal ah in Somaliya ay galbatay oo goor dhaw lagu kala tegi doono. Siyaasiyiinta Somalida waa dadka la kireysto oo adduunka ugu rakhissan diyaarna u ah inay wareejiyaan dalka oo dhan iyagoo dantooda fulihaaya. Imaaraatka waa caddeystay kadiib markii ay dowladda ku handadeen burbur ka weyn kana xanuun badan kuwa idinku dhacay haddii ay dowladda Turkigha sii jogto Somaliya.

Waryaa u sheega madaxda dowladda inTURKIYA ay tahay tan kaliya ay daacad ka tahay inay badbadiso Somaliya, waase haddii la helo dowlad dareen leh oo soo jiidata dowladdaan wax kasta diyaar noola ah ee TURKIGA.

Tallaabooyinka u baahan in la qaado waxay tala ahaan ku jirtaa maskaxda dad kooban oo istratejiyada siyaasadda ku xeel dheer, yaase ka akhrisahaayoo dalkaan dowlad ka ah!!!

Axmad Calasow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip