Liverpool Oo Anfield Ku Garaacday Kooxda Maribor , Dortmund Oo Markale Fashilantay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaray Ee UCL Oo Dhamaystiran

0
Thursday November 02, 2017 - 07:29:55 in Wararka by
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Anfield Ku Garaacday Kooxda Maribor , Dortmund Oo Markale Fashilantay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaray Ee UCL Oo Dhamaystiran

    Liverpool ayaa guul muhiim ah Anfield kaga gaadhay kooxda Maribor oo qaybtii hore ee ciyaarta ku qasabtay in ayna wax goolal ah dhalin, laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool guushan ku gaadhay 3-0 iyada oo Mohamed Salah, Emre Can iyo Danie

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa guul muhiim ah Anfield kaga gaadhay kooxda Maribor oo qaybtii hore ee ciyaarta ku qasabtay in ayna wax goolal ah dhalin, laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool guushan ku gaadhay 3-0 iyada oo Mohamed Salah, Emre Can iyo Daniel Sturridge ay min hal gool dhalyeen.




 


Guushan ayaa Liverpool ka caawisay in ay kali ku noqoto hogaanka Group E isla markaana ay sarre u soo qaaday hamigeeda ah in ay u soo baxda wareega 16 ka kooxood ee Champoins Leaque. Kooxda Sevilla ayaa ka aarsaday kooxda Spartak Moscow waxayna guusha Sevilla caawisay in Liverpool ay hogaanka Group E kali ku noqoto.


Liverpool ayaa afar kulan ka heshay 8 dhibcood iyada oo laba guulood iyo laba barbaro soo heshay waxayna hal dhibic ka saraysaa Sevilla oo Group E kaalinta labaad ugaga jirta 7 dhibcood halka Spartak Moscow ay 5 dhibcood kaalinta saddexaad ugu jirto.

Liverpool ayaa goolka furitaanka la timid daqiiqadii 49 aad ee bilawgii qaybtii danbe ee ciyaarta waxaana difaacashadii cajiibka ahayd ee Maribo Jabiyay Mohamed Salah kaas oo xili ciyaareedkan ku lug yeeshay 13 gool oo ay Liverpool soo dhalisay waana 10 gool iyo 3 gool caawineed isaga oo xidiga ree Masar ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Reds hogaanka ciyaarta ugu qabtay.

 

Laakiin Emre Can ayaa darbo xoogan goolka labaad ee Liverpool ku dhaliyay daqiiqadii 64 aad isaga oo kooxdiisa siiyay goolka labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay isla markaana ay Maribor jilbaha dhulka ugu saartay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Res hogaanka ciyaarta ugu qabtay.

laakiin Daniel Sturridge oo badal ciyaarta ku soo galay ayaa daqiiqadii 90 aad ee dhamaadkii ciyaarta dhaliyay goolka saddexaad ee kulankan si uu muddo dheer markii ugu horaysay laba kulan oo xidhiidh ah uu goolal uga dhaliyo, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Reds ku dubanayso Maribor.

Inkasta oo ay qaybtii hore ee ciyaarta Maribor samaysay difaacasho wayn isla markaana ay Reds ku qasabtay in ayna gool la’aan waqtigii nasashada ku baxaan waxayn qaybtii danbe awoodi waayeen in ay ciyaarta gool la’aan ku hayn karaan iyaga oo 10 gool xambaartay labadii kulan ee ay Liverpool la ciyaareen waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 3-0 ay Liverpool guul ku gaadhay.


Dhinaca kale kooxda Borussia Dortmund ayaa markale ku fashilantay in ay soo dhaafto APOEL waxayna markii labaad oo xidhiidh ah la gashay babraro 1-1 ah taas oo xaaladii xumayd ee Dormtund uga sii dartay. Haddaba halkan kaga bogo dhamaan natiijooyinkii kulamadii caawa la ciyaaray.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip