Maxay soo kordhin kartaa shaqa ka ceyrinta Sanbaloolshe iyo Saacid?

0
Monday October 30, 2017 - 21:02:14 in Wararka by
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay soo kordhin kartaa shaqa ka ceyrinta Sanbaloolshe iyo Saacid?

    Magaalada Muqdisho ayaa maarkii labaad aragtay qarax kale oo dad badan ay ku dhinteen laba isbuuc gudahood. Qaraxaasi oo dhacay Sabtidii ayaa waxa ku dhimatay ugu yaraan 27 qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa maarkii labaad aragtay qarax kale oo dad badan ay ku dhinteen laba isbuuc gudahood. Qaraxaasi oo dhacay Sabtidii ayaa waxa ku dhimatay ugu yaraan 27 qof.


Qaraxaas ka dib golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shaqada ka ceyriyay taliyayaasha ciidamada nabad sugidda iyo booliska.

"Faa’idada shaqa ka eryidda”

Taliyihii booliiska Soomaaliya Cabdixakin Daahir Saacid iyo agasimihii hay’ada nabad sugidda qaranka Cabdallahi Maxamed Sanbalooshe ayaa labadaba xilka laga qaaday.

Tallaabadaas ayaa lagu tilmaamay mid looga jawaabayay qarixii ugu dambeeyay ee muqdisho ka dhacay.

Cabdiweli Garaad oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in "Shaqsiyaad la ceyriyo ay ka qoto dheeryihiin arrimaha amnidarada Soomaaliya”.

"Waxaa horey shaqada looga eryay taliyihii nabad sugidda iyo kii booliska, haddana kuwii lagu badalay baa la eryay”, ayuu yiri Cabdiweli Garaad oo BBC-da la hadlay.

” Waxay u muuqataa in indhaha dadka laga leexinayo in ay la xisaabtamaan dowladda”, ayuu hadalkiisa ku daray.

14-kii bishan Oktobar, qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah oo ka dhacay isgoyska Soobe, ayaa lagu dilay in ka badan 350 qof.

Weerarkaas Al-Shabaab maysan sheegan, balse, Sabtidii lasoo dhaafay weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 2 waxa si degdeg ah u sheegtay kooxda.

Arrintaas waxaa lagu tilmaamay in ururka Al-Shabaab uu muujinayo in uu weli weerar ku qaadi karo bartamaha magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Garaad oo amniga ka faallooda wuxuu sheegay, "Waxay u muuqataa in indhaha dadkaa lagu jeedinayo in nimankii howsha masuulka ka ahaa loo eryay dhacdadaas.”

Caqabadda amniga

Machadka cilmi baaridda siyaasadda ee Heritage oo dhowaan warbixin ka soo saaray amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa keenay su’aal ah "sidee buu gaari qarax intaa la’eg wada, usoo gaaray bartamaha magaalada, isaga oo kasoo gudbay dhammaan baraha lagu baaro gawaarida ee teedsan waddada?”

"Waxaa jirto habacsanaan xagga amniga ah, gaar ahaan guuldarro weyn oo ka timid sir-doonka iyo hellidda xogta cadowga,” ayaa lagu xusay qoraalka.

Magaalada Muqdisho waxay noqotay meesha ay ka dhacaan weerarada sababa dhimashada ugu badan ee shacabka gaarta. Hoteello, maqaayado iyo meelo kala duwan ayaa la weeraray.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaaajo ayaa dhawaan ballan qaaday in la dhisayo ciidamada difaaca dadweynaha, ka dib weerarkii Soobe.

Madaxweyne Farmaajo oo 18-kii Oktobar, la hadlayay dibadbaxayaal wuxuu sheegay "Waxaan idiinkugu baaqayaa in aan dhisano ciidamada difaaca shacabka oo aan la dagaallanno Shabaab. Waa in aad difaacdaan hooyooyiinkeena, u kaca difaaca deriskiina, u kaca difaaca qarankiina.”

Isbedellada badan ee laamaha amniga

Laba maalmood ka hor qarixii Soobe, waxaa shaqada ka tagay taliyihii ciidamada militariga, Jeneraal Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid) iyo Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed.

"Isbeddelkan badan wuxuu wiiqayaa xasilloonida laamaha amniga, wuxuuna yareynayaa mas’uuliyadda isla xisaabtanka loo baahan yahay,” ayaa lagu qoray warbixinta uu soo saaray machadka cilmibaaridda siyaasadda ee Heritage.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka haya ku dhawaad sagaal bilood, wuxuuna magacaabay dhowr taliyayaal oo laamaha kala duwan ee amniga ah.

"Waxaa amniga asal u ah in ay wax wada yeeshaan shacabka iyo dowladda ayna wada ilaashadaan. Shacabka iyo dowladda waxaad moodaa in aynaan isku wax ilaashanayn hadda. Marka waa in isku wax la sameynsto, isku meelna laga duulo,” ayuu yiri Cabdiweli Garaad.

Dowladda ayaa bishii May, London ku saxiixday heshiis lagu dhisayo ciidamo gaaraya 18,000, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeni doono dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada.

Shirka madxada maamul goboleedyada iyo dowladda fadaraalka ah ee hadda ka socodo Muqdisho waxybaaha looga arrinsanaya waxaa ka mid ah arrimaha ammaanka iyo sidii loo yagleeli lahaa ciidankaasi qaran.

Machadka Heritage oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa ku taliyay in "ka adkaanta Al-Shabaab iyo soo celinta amniga dalka la siiyo ahmiyadda koobaad; waana in ay noqotaa dadaal laga wada qeyb qaadanayo.”

XIGASHO: BBC

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip