United, Arsenal & City Oo U Soo Baxay Wareega 8-da Ee Carabao Cup Ka Dib Markii Ay Badiyeen

0
Wednesday October 25, 2017 - 10:39:25 in Wararka by
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    United, Arsenal & City Oo U Soo Baxay Wareega 8-da Ee Carabao Cup Ka Dib Markii Ay Badiyeen

    Sedax kamid ah kooxaha waa weyn ee Horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska ayaa dheelay ulan ciyaareed ka tirsan Koobka xiisaha leh ee laga dheelo gudaha dalka UK, ee lagu magacaabo Carabao Cup.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sedax kamid ah kooxaha waa weyn ee Horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska ayaa dheelay ulan ciyaareed ka tirsan Koobka xiisaha leh ee laga dheelo gudaha dalka UK, ee lagu magacaabo Carabao Cup.

Kulamadaan ay dheeleen Kooxahaan ayaa ahaa kuwa kawada tirsan Wareega 4aad ee Koobkaan, waxaana ay kala dheleen United ayaa booqatay Swansea City, Arsenal ayaa soo dhaweysay Norwich iyo City oo marti qaadi ufidisay Wolves.

Ugu horeyntii, Manchester United ayaa dubatay Swansea, kadib markii uu Laba gool oo kala yimid labadii qeybood ee ciyaarta uu usaxiixay wiilkeeda reer England ee Jese Lingard, wuxuuna kulanka kusoo dhamaaday sidaas.



Gunners-ka oo bilawgii kulankaan gool, looga naxsaday islmaarkana lagu lahaa illaa iyo daqiiqadii 85-aad, ayaa waxaa u bareejeeyay, Nketiah, waxaana Arsenal ay ka bedbaaday guul daro, iyadoo ay ku kala baxeen 1-1.

Waxaa loo baahday daqiiqado dheeri ah, iyadoona markii lagu daray daqiiqadaas, ay ay Arsenal, heshay Gool kale, waxaana udhaliyay Laacibkii goolka Bareejada keenay ee Eddie Nketiah, wuxuuna ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday sidaas, waxaana ay raacday Guusha Naadiga Gunners-ka, waxaana ay sidaas ugu soo baxday Wareega Sideedka ee Koobkaan, xiisaha leh.

Dhankeeda, Muwaadiniinta, Hogaamiyaasha Premier League ayaa waxaa loo dhigay Taako, kadib markii ay la baashaaleen Kooxda yar ee Wolves, waxaana kulankooda oo ka dhacayay Etihad uu kusoo dhamaday 0-0.

Waxaa loo baahday waqti dheeri ah, iyadoona markii lagu daray ay sameeyay wiilasha Pep, dadaal kala duwan, waxay ku guul dareysteen inay gool ay helaan, waxaana loo gudbay in la tuurto Rigoorooyin.

Markii la bilaabay tuurashada Rigoore ayaa waxaa ku hor martay kooxda yar, iyadoo dhalisay midkeedii ugu horeeyay, City ayadana wey dhalisay, waxaase dhamaadkii badisay City oo ku badisay 4-1, sidaas ayayna ugu oo baxday wareega Sideedaad ee Koobkaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip