Miyuu Jurgen Klopp Ka Dhaqaaqi Doonaa Liverpool Si Uu U Noqdo Badalka Ancelotti Ee Kooxda Bayern Munich? Waxaa Ka Jawaabaya Owen Hargreaves.

0
Saturday October 21, 2017 - 09:10:16 in Sports News by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyuu Jurgen Klopp Ka Dhaqaaqi Doonaa Liverpool Si Uu U Noqdo Badalka Ancelotti Ee Kooxda Bayern Munich? Waxaa Ka Jawaabaya Owen Hargreaves.

    Bayern Munich ayaa raadineysa bedelka mustaqbalka dheer ee Carlo Ancelotti, kadib markii ay shaqada ka ceyrisay bishii lasoo dhaafay. Waxaana haatan si ku meel gaar ah kooxda gacanta loogu galiyay Jupp Heynckes.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich ayaa raadineysa bedelka mustaqbalka dheer ee Carlo Ancelotti, kadib markii ay shaqada ka ceyrisay bishii lasoo dhaafay. Waxaana haatan si ku meel gaar ah kooxda gacanta loogu galiyay Jupp Heynckes.


Jurgen Klopp ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sida xoogan lala xidhiidhinayo inay macquul noqon karto in dhamaadka xili ciyaareedkan loo magacaawo shaqada tababarka kooxda ree Germany ee Bayern Munich, waxaana ku wehliya kan leyliya kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel.

Balse halyeeyga kooxda Bayern Munich Owen Hargreaves ayaa wuxuu shaaca ka qaaday mar uu ka hadlayay arintan in macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp uusan Leylin doonin kooxda Bayern xili ciyaareedka soo aadan.

Si kastaba wargeyska "BT Sport” ee dalka England oo ka faa’ideysanaya Owen Hargreaves ayaa wuxuu shaki xoogan galiyay in Jurgen Klopp uu ka dhaqaaqayo shaqada uu ka hayo kooxda Liverpool, sababtoo ah wuxuu ku tilmaamay in macalinka ree Germany uu guursaday shaqada kooxda ree England ee Reads.

 

Dhinaca kale Owen Hargreaves ayaa wuxuu u sheegay wargeyska "Express Sport” ee dalka England: "Waxaa jiray wada hadalo u dhaxeeyay Jurgen Klopp iyo saraakiisha kooxda Bayern Munich”.

 

Hargreaves ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: "Wuxuu ka dhisay Liverpool waxyaabo badan, Waqti ayey qaadaneysaa arintan sida aan horey ugu aragnay marka uu ku sugnaa kooxda Borussia Dortmund”.

Laakiin Owen Hargreaves ayaa aaminsan in Klopp uu ka dhex abuuri karo gudaha kooxda Liverpool xaalad adag, kadib markii uu xiliyadii lasoo dhaafay uu la kulmay eedeymo kala duwan, maadaama kooxda kulamo dhowr ah ay soo bandhigtay qaab ciyaareed aan wanaagsaneen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip