Ciidamada DF oo Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/Hoose

0
Friday October 20, 2017 - 20:19:53 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada DF oo Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/Hoose

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose oo maalmihii dambe ku guda jiray abaabul Millatrai ayaa maanta ururka Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose oo maalmihii dambe ku guda jiray abaabul Millatrai ayaa maanta ururka Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Masuuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen in Ciidamada ay gaareen degaanadaMareerey, Sabiible iyo Caanoole oo dhammaantood dhaca duleedka degmada Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Ciidanka ay xaqiijinayaan degaanada ay la wareegeen, wuxuuna tilmaamay Shabaab in ay isaga baxeen degaanadan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada aysan dib uga bixi doonin degaanadan ay la wareegeen, isaga oo tilmaamay hadafka in uu yahay in Ciidamada ay horey u sii socdaan oo aysan dib u soo laaban.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalinta berri ah la filayaa in uu ku dhawaaqo in dalka uu galay xaalad dagaal oo ka dhan ah ururka Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip