Lionel Messi Oo Xalayto Dhaliyay Goolkiisii 100aad Ee Tartamada Yurub & Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

0
Thursday October 19, 2017 - 08:26:54 in Sports News by
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Xalayto Dhaliyay Goolkiisii 100aad Ee Tartamada Yurub & Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

    Ma uusan haleelin isku daygiisii koowaad ee kulankii Sporting Lisbon, laakiin kulankii Olympiakos ee xalayto Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 100aad ee tartamada Yurub ee isagoo xiran maaliyada Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma uusan haleelin isku daygiisii koowaad ee kulankii Sporting Lisbon, laakiin kulankii Olympiakos ee xalayto Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 100aad ee tartamada Yurub ee isagoo xiran maaliyada Barcelona.



 


97 gool uu ka dhaliyay Champions League iyo seddex uu ka dhaliyay UEFA Super Cup.

Goolkii uu Messi ka dhaliyay Olympiakos ciyaartii xalayto ka dhacday Camp Nou ayaa ka dhigtay inuu gaaray goolkiisii qarniga ee tartamada UEFA. Waxa uu golkaas ahaa laad xor ah uu dhaliyay iyadoo Barcelona ay 3-1 kaga badisay kooxda Gariiga.

Waxaana xusid mudan in goolkii ugu horeysay ee uu Messi ka dhaliyo tartamada Yurub inuu sidoo kale ka dhaliyay koox Gariig ka dhisan oo lagu magacaabo Panathinaikos 2dii bishii November 2015. Tan iyo markaas waxa uu shabaqa soo taabtay xilli ciyaareed walba, iyadoo xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa uu ahaa 2011-12 markaasoo uu dhaliyay 14 gool.

 

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaase ka horeeya xiddiga reer Argentina isagoo tartamada kooxaha Yurub ka dhaliyay 113 gool.

Kooxaha Uu Ka Dhaliyay 100ka Gool

9Arsenal


8– AC Milan, Celtic
7– Bayer Leverkusen
6– Ajax, Manchester City
4– Bayern München , Panathinaikos, Paris Saint-Germain, Spartak Moskva
3– APOEL, København, Lyon, Viktoria Plzeň, Shakhtar Donetsk, Stuttgart
2– Basel, BATE Borisov, Dynamo Kyiv, Juventus, Manchester United, Real Madrid, Roma, Sevilla
1– Borussia Mönchengladbach, Olympiacos, Porto, Rangers, Sporting CP, Werder Bremen

Minan iyo Marti

Camp Nou ayaa ah garoonka uu Messi ugu farxsanaa tartamada Yuurb isagoo ku dhaliyay 55 gool. Waxa uu sidoo kale shan gool ku dhaliyay garoomo dhex dhexaad ah sida finalada Champions League iyo UEFA Super Cup iyo 40 gool uu ku dhaliyay garoomo uu marti ku ahaa.

Goolasha uu dhaliyay wareeg walba

Wareega group-yada – 60
Wareega 16ka – 21
Wareega 8da – 10
Semi-finals– 4
Finals– 5

Xiddiga Ugu Goolasha Badan Tartamada Yurub

113– Cristiano Ronaldo (151 kulamo)
100– Lionel Messi (122)
76– Raúl González (158)
70– Filippo Inzaghi (114)
67– Andriy Shevchenko (142)

Xilli Ciyaareedyada uu Kala Dhaliyay Goolasha:

Xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee uu Messi saftay Champions League waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2004-05, waxa uu saftay kaliya hal kulan mana uusan dhalinin wax gool ah kulankaas. Goolkiisii ugu horeysay ee Champions League waxa uu dhaliyay xilli ciyaareedkii 2005-06, isagoo xilli ciyaareedkaas saftay lix kulan oo Champions League ah.

Xilli ciyaareedkii ku xigay ee 2006-07 waxa uu sidoo kale dhaliyay hal gool isagoo saftay shan kulan oo Champions League ah iyo hal kulan oo UEFA Super Cup ah.

Messi ayaase kabaha gooldhalinta xirtay xilli ciyaareedkii 2007-08 markaasoo uu dhaliyay 6 gool oo Champions League ah isagoo saftay sagaal kulan oo tartankaas ah.

Xilli ciyaareedkii ku xigay ee 2008-09 waxa uu messi saftay 12 kulan oo Champions League ah waxaana uu dhaliyay sagaal gool, xilli ciyaareedkii ku xigay ee 2009-10 waxa uu dhaliyay sideed gool, 2010-11 waxa uu dhaliyay 12 gool. Xilli ciyaareedkiisii ugu goolasha badnaa 2011-12 waxa uu dhaliyay 14 gool oo Champions League ah iyo hal goool oo UEFa Super Cup ah.

Labadii xilli ciyaareed ee ku xigtay waxa uu dhaliyay min sideed gool, halka uu xilli ciyaareedkii 2014-15 uu dhaliyay 10 gool. Xilli ciyaareedkii 2015-16 waxa uu dhaliyay 6 gool oo Champions League ah iyo labo gool oo UEFA Super Cup ah. Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu dhaliyay 11 gool oo Champions LKeague ah, halka uu xilli ciyaareedkan dhaliyay seddex gool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip