Ku Sime Donald Yamamoto ayaa waxuu tilmaamay inkastoo la dhimay dhaqaalahaasi, hadana in ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan taageerida howlgalka AMISOM.

Waxaa uu qeexay in muhiim ay tahay in lagu amaano Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Magaalooyin dhowr ah ka saaray Xarakada Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ku Simaha Xoghayaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Donald Yamamoto ayaa ku baaqay in kordhiyo taageerida Ciidamada huwanta ah, si buu yiri looga guuleysto Xarakada Al Shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii Mareykanka uu shaaciyay in uu dhimayo dhaqaalaha uu siiyo howlgallada dalalka Afrika ka socda oo hoosyimaada Qaramada Midoobay.