Maqaal: Col cusub oo Cadaado lagu casuumay! AMISOM!

0
Thursday October 05, 2017 - 22:08:42 in Maqaallo by
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Col cusub oo Cadaado lagu casuumay! AMISOM!

    AMISOM looga ma baahna Cadaado, ee Bariirre iyo baraha Alshabaab ha geeyaan Formaajo iyo Kheyrre. Waa ayaandarro weyn runtii, in Cadaado la geeyo ciidamo Amisom ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AMISOM looga ma baahna Cadaado, ee Bariirre iyo baraha Alshabaab ha geeyaan Formaajo iyo Kheyrre. Waa ayaandarro weyn runtii, in Cadaado la geeyo ciidamo Amisom ah.

Isweydii maxaa xilligan ku soo aaddiyey, in la geeyo Cadaado? Maxay Cadaado uga baahan tahay ciidan Amisom? Amnidarrada iyo xasilloonidarrada ka jirta Cadaado oo Amisom ay sugayso maxay tahay?.

Gugii hore ayaan tagay Cadaado, oo marka laga soo tago nabaddeeda iyo amnigeeda ay sokeeye iyo shisheeye u qireen, -uuna ka mid yahay mid Amisom u hadlay, oo Cadaado jooga- ay igu qabsatay qiso aan cashar ka qaatay.

Marka aan booqashadii aan imid ii dhammaatay, ee aan u laabo is lahaa Muqdisho, ayaa markii aan imid garoonka diyaaradaha Cadaado waxaan ku sigtay, in diyaaradda la iga reebo.

Si aad diyaaradda u raacdo, waxaad maraysaa shan baaritaan, oo qof, agab iyo hubin tikit isugu jira.

Kolay dhabareed (hand back) aan watay kolay kale, oo kombiyuutar iigu jiray ayaa gaarigii aan saarnaa ma ahane mid kale ii soo qaaday.

Waxaa iga soo hormaray gaarigii alaabta noo waday, ka dib maarkii aan imid garoonka, ayaa waxaa layga horkeenay kombiyuuterkii aan watay oo la i leeyahay waa la daari waayey ee shid.

Shid baan maagay, mise, dabba ma lahan, oo waxaa ka dhacay batariga. Waxaa horteenna taagan askari ka tirsan NISA, oo indhuhu u xiran yihiin.

Waxaan u sheegay, in cilladdu tahay dab la’aan keliya, ee kombiyuutarku uusan dhib kale qabin.

Askerigii wuxuu igu yiri, iyada oo aan kombiyuurkaa shidmin meeshan la dhaafin maayo, oo ah aafafka hore ee garoonka.

Wuxuu ii raaciyey; ama adiga ayaa diyaaradda ka haraya ama kombiyuutarka! Waxaan ku iri; ka la ma hari karno, ee waa in talo kale la keenaa!

Is ka daba wareeg ka dib, dani waxay nagu qasabtay, in kombiyuutarkii la dabeeyo, ka dib hortiisa aan ku daaro, sidaasna uu iigu oggolaaday, in aan garoonkii ku galo!

Garoon amnigiisu sidaa u sugan yahay, oo askarigeennu sidaa u ugu adag yahay ilaalinta ammaankiiisa, maanta muxuu uga baahan yahay AMISOM? Xabba!

Ogow, askerigaa waxaa laga yaabaa, marka laga soo tago, in mushaar yar la siiyo, haddana, in uusan dhawr bilood helin!

Marka haddii aan la hawlgelinayn askarteenna dhaqanka suubban leh, sideen u oggolaan karnaa, in kob iyo kadin walba la geeyo fulayadii AMISOM, oo haddana, uga mushaar badnaan karaan askarteenna?!

Haddii AMISOM magaalooyin loo dirayo, ha loo diro magaalooyinka ay Shabaab haysato. Is la Galmudug aan kaaga tusaaleeyee, maxaan AMISOM loogu dirayn Xarar dheere iyo degaannada deexda sida Mareeg iyo meelo kale?!

Maxamad Formaajo iyo Xasan Kheyrre waa labo FAASHIL, haddana fashalkooda iyo maamulxumadooda ka sokow, awooddii iyo dhaqaalihii dawladda u adeegsanaya, in ay dumiyaan maamulladii lagu dhisay dhibka iyo dhibaatada.

Haddaba, beesha reer Xaaji Saleebaan, ee Cadaado degta, waxgaradka Galmudug, xildhibaannada labada aqal, siyaasiyiinta iyo qof walba oo degaankaa hormar la doonaya, waa in ay labadan nin ee maanyarida iyo madax falluuqa qaba u sheegaan runta ah: Cadaado ciidan AMISOM u ma baahna, ee waxay u baahan tahay, in aan la gelin qalalaase amni, siyaasad ama dhaqaale.

Wax la qaadan karo ma ahan, ee waa in aragtidaa gurracan, haddana, ma dhalayska ah laga hortagaa, lagana dhiidhiiyaa, maxaa yeelay, wax ay nagu soo kordhinayaan ma jirto, aan ka ahayn is fidin iyo faalal aan lagu farxayn!

DHAN.

Bashiir M. Xirsi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip