Siyaaradii CaarifKii Cilmiga & Dariiqada Qaadiriyadda Sheekh C/Raxmaan Celli oo lagu soo gabagabeeyay Warsheekh (Sawiro)

0
Thursday October 05, 2017 - 01:42:52 in Wararka by
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii CaarifKii Cilmiga & Dariiqada Qaadiriyadda Sheekh C/Raxmaan Celli oo lagu soo gabagabeeyay Warsheekh (Sawiro)

    Xarunta Dariiqada iyo faafinta dacwada Islaamka ee Warsheekh ayaa waxaa Habeen Hore oo Talaado Ar Arbaca soo galaysa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Siyaaraadka Mashaa'iqda iska dhaxashay cilmiga iyo dariiqada Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Dariiqada iyo faafinta dacwada Islaamka ee Warsheekh ayaa waxaa Habeen Hore oo Talaado Ar Arbaca soo galaysa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Siyaaraadka Mashaa'iqda iska dhaxashay cilmiga iyo dariiqada Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar "Sheekh Cabdi Celli" iyo Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman.

Kaqeybgalka Siyaarada waxaa ka soo muuqday masha’iq Fara badan ayaa waxaa si siman uga soo wada qeybgalay Hogaamiyayaasha Ahlu Dariiqa, Mudarasiinta, Talaamiida, Odayaal Dhaqan, Siyaasiyiinta , Haweenka iyo dhammaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed.

Siyaarada masha’iqdaan waxay socotay muddo bil ah waxaana soo xaadirtay dhamaan qeybaha kala gedisan ee jameecooyinka Ahlusunah Waljamaaca, dadka kasoo qeybgalay siyaaraadka mashaa’iqda ayaa ah kuwa si mutadawacnimo ah xoogooda, maalkooda iyo waqtigoodaba u huray culimada caalimiinta ah ee noloshooda u hibeeyay u qidmaynta diinta Islaamka taasi oo dhaxal siisay in Sodon sano kadib weli ay baaqi ku sii ahaadaan quluubta Shacabka Soomaaliyeed.


Waxa xusid mudan in jameecaadka ka soo qeybgalay Siyaarada ay u badan yihiin dhalinyaro kuwaasi oo intooda badan aan indhaha saarin Mashaa’iqda la siyaaranayo taasina daliil cad u tahay in wax walba oo wanaag iyo kheyr Alle raali ka yahay ay ku sii baaqi noqdaan dunida guudkeeda iyo quluubta Muslimiinta.
Tirada dadka kasoo qeybgala siyaarada Warsheekh ayaa sanad waliba sanadka xiga aad uga sii badataa, iyadoo cid walibana jaceyl u qabto Owliyada Alle darteed u soo tiigsadaan xarun diimeedka Warsheekh si ay goob joog uga noqdaan kheyraadka halkaa ka socda.
Waxaa halkaasi ka hadlay Sheekha Dariiqada Qaadiriyada Hogaamiyaheeda ah ee la yiraahdo Sheekh Axmad Shuweus Sheekh Muxyadiin Sheekh Uways Al-Qaadiriyah, isagoo dadka Muslimiinta oo dhan dunida Alle uga bayay inuu dhibaatadda Alle ka dulqaado, islmarkaana uslimiinta Alle ka qaado Abaaraha, isago Alle ka baryay in Muslimiinta gaar ahaan Soomaaliya Alle uu siiyo amni iyo Barwaaqo.
Ugu Dambayntii waxaa isna halkaa ka haa ka hadlay Sheeq Qaasim Sheekh C/Raxmaan Celli oo ah Saaxibu Sajaadaha Xiligaan Degmada Warsheeq wuxuuna Alle uga baryay Ummadda Soomaaliyeed Inuu dhibaatada ka qaado, siyaaradaan mid xigtan Alle uu samo iyo Saacdo siiyo Dhamaan intii ka qaybgashay iyo Ummadda Soomaaliyeed meel Walba oo ay Joogto.
Taariikhda Warshiikh
Warshiikh ama (Warsheekh) waa magaalo xeebeed oo ku taalo gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.Magaaladaan waxay caasimada Muqdisho u jirtaa qiyaas ahaan 65km, waxayna leedahay taariikh dheer.waxay ku taalaa Xeebta Badweynta Hindiya, waana magaalo qadiimi ah.
Magaca magaaladani oo ah Warshiikh wuxuu iska saaran yahay labo eray oo kala ah "War” iyo "Shiikh”, waxaana loo la jeedaa hadalkii Sheekha iyadoo Soomaalidu Sheekh u taqaano qofkii barta Cilmiga gaar ahaan Diinta Islaamka.
Warshiikh waa meel taariikh fog ku leh Sooyaalka Taariikhda Soomaaliya, waxaana Warsheekh lagu dilay gumeystihii ugu horeeyay Soomaaliya iyadoo ay weerar ku soo qaadeen Ciidamadii badda ee Talyaaniga ee wadanka gumeysan jiray sanadku markuu ahaa 1875.
Warsheekh waxey leedahay goobo waxbarasho Misaajidyo, Cisbitaalo garooman kubadda lagu cayaaro, iyadoo ay ka mid ahaayeen culumadii iyo ganacsatadii Magaaladaas, Samoow Dhiblaawe oo shiribkiisa ahaa (Samoow Dhiblaawe waa suldaan sarow ugu tiil suuq warshiikh).
Waxaa kaloo lagu xusuustaa caalinkii waynaa Sheekh maxamuud Jeemaale, dadka reer Warshiikhna waxay caan ku yahiin soo dhaweynta martida timaado deegaankooda iyo waliba sida ay nabada u jecel yihiin.
Mahadi ha ka gaartee waxa howshaas ku tarbiyeeyay Dadka deegaanka Caalamkii Caanka ahaa ee Degmada warsheekh ka soo jeeda Sheekha Weyn ee Sheekh C/raxman Ow Cumar (Sheekh Cabdi Celli) oo si weyn loogu yaqiinay Fidinta Diinta Islaamka, Kitaabadii ii qorayna qaarkood waxaa laga dhigaa Jaamacadda Islaamiga ah ee Jaamcadu Azhar, Degmada Warsheekh waa goob hawo fiican, indhahana u roon, dhismaheeduna si xowli ah ayuu ku socdaa.


WD: Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) iyo Xuseen Xasan Dhaqane.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip