GUURTIDAAN DIRANAYBAA GU'UMOODAY JIILAAL..
Sida ey qabaan xeel dheerayaasha soomaaliya ee waayo joog u ahaa isbaddaladii la soo maray in dalan-baabi ay dadki iyo dalkii ay ku sugan yihiin meel loo hirtaana oo sax ah aysan jirin oo waa cir kaa dheer dhulka dheer tii allase waa halkeeda .
Haddeey intaasi sax tahay micno buuxa kugu filan ciwaanka qormadaan ee halku dhigga looga dhigay
GUURTIDAAN DIRANAYBA GU’ U MOODDAY JIILAAL.
Haddaaney taasi aheyn maxay tahay waxa soomaaliya u diiddan inay gartaan danahooda, dad kalana anay u meereen wadiiqada bur burka iyo dhibaatooyinka muuqda ee dalka iyo dadkaba ay la tiicayaan .
Si aad wax badan ku garataan isugeey inta aad aragtay sax iyo qalad , inta lagu sheegay iyo inta ay qiyaastaadu ku siiso waxii kasoo baxaana kugu filan jawaabta xaalka maanta la joogo.
Haddaanay aheyna dib u raac taarkhiihii lasoo maray wax badan aad ogaatide
Mid kale aya jirto oo dadka ahlu cilmiga ah ay qabaan taasoo ah soomaaliya waxa haayo ee ku dhacay inuu yahay rucbi ay gacantooda ku keensadeen dadkuna ay ku baraarug saneen taasoo ah bilawgii aafada soomaaliya ee soo bilaabatay sanadii 1975-kii xilligaasoo aheyd markii uu kacaankii talada dalka hayey soo saaray xeerkii qoyska oo ay ku sheegeen sin naantii ragga iyo dumarka qalad weyn oo lagu tilaabsadayna aheyd culumadii diidday oo ka hortimidna barqo cad xamar lagu toogtay wax ka hadlana la waayay culummo iyo caammaba .
Wixii inta ka danbeeyey dhibaatadi bilaabatay ay socoto ilaa maantadan aynu joogno jawaabna kugu filan waxa ay dhagahaagu maqlayaan macaan iyo qaraar.
Sidaa daraadeed waxay qabaan dadka cilmiga u saaxiib ka ah in shacabka soomaliyeed guud ahaan ay la yimaadan tow bad keen sax ah si looga baxo dhibaatadaan daba dheeraatay waddaadadii xaq darrada lagu laayana loo wada qiro inay xaq ku taagnaayeen shuhadane ay yihiin.
Haddaanay taasi aheyd waxa iga mudan inay tilmaam kale ka bixiyaan dadka cilmiga u saaxiibka ee u dhuun duleelo isbaddala xaajadaan haluulaha gashe lagu haraadaayo .
Haddaanay aheyna soo celi maskaxdoo sawirkaan kale qaado madaxweyne cabdullaahi yuusuf allaha u naxariiste yaa ka qaaday xilkii markuu tagayse muxuu yiri .
Waxan qaaadan kari waayey aya la I amray taana waxan ka doorbiday inaan ka tago xilkii madaxweyne ee aan hayay ayuu yiri madaxweyne Cabdullahi yuusuf .
Waayo haddaba cidda amartay ileen baarlamaan kama qaadine maxayse tahay waxa lagu amree ee uu diiday madax weyne Cabdullahi yuusuf cidda og hanoo sheegto.
Odoy soomaaliyeed aya laga hayaa hasha maankeygu gaddaye ma masaar beey liqday waxaanse yaabka yaabkii ah waayo cidda amartee soomaali anay ogeyn.
Waxa taa la mataal ah Ra’iisalwasaare Geeddi baarla maan ma tuurine yaa ka qaaday xilkii mise kumeel gaar ayaaba sidaa ah kolleey la iga xog ogaalsan.
Waxayse tahay su’aasho markii intaa isugeyso iyo wixii dowlad la eryaayay kuwii la oga iyo intaan la ogeyn iyo in kaloo kasii badan misne aad u geydo waxa haatan muuqdo micnuhu miyaanay aheyn GUURTIDAAN DIRANAYBA GU’U MOOD DAY JIILAAL.
Gunaanadka qormadeyda xumaha oo laga tago weeye talo inan isugeyno lagu saxaayo waxa muuqdo biyo dhaceyduna wuxuu yahay dadka nolol ha loo daayo dalkana nabad ha loo da ayo haddaanay intaas aheyn hadalkeennu ha joogo
GUURTIDAAN DIRANAYBA GU’U MOODDAY JIILAAL.
GUURTIDAAN DIRANAYBAA GU'UMOODAY JIILAAL..
Hadal sidiisaba ma yimad ila ay timaad sabab dhab oo keenta in la hadlo dhinac kastaba ha noqotee Mid wanaag horseediyo mid aan aan wacneen oo kuhasho keentaba intaba imaanshahooda sabab baa u asal ah Haddaba qormadan ujeedkeedu waxa uu yahay m