Maqaal: Indhaheyga Maka aqrisan kartaa ka badan intaan kuu sheegay?

0
Tuesday September 12, 2017 - 10:33:30 in Maqaallo by
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Indhaheyga Maka aqrisan kartaa ka badan intaan kuu sheegay?

    Indhaheyga Maka aqrisan kartaa ka badan intaan kuu sheegay? Ma garan kartaa xanuunka qalbigeyga buuxa, adigoon ku sirmeyn dhoolla cadeynteyda yar? Makuu muuqataa reja xumada i hor hortaala, ee ku aadan korintankeyga iyo aayatiinkeyga dambe?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indhaheyga Maka aqrisan kartaa ka badan intaan kuu sheegay? Ma garan kartaa xanuunka qalbigeyga buuxa, adigoon ku sirmeyn dhoolla cadeynteyda yar? Makuu muuqataa reja xumada i hor hortaala, ee ku aadan korintankeyga iyo aayatiinkeyga dambe?

Maxaad igu caawin kartaa si aan ugu nolaado, nolosha aan istaahilo dhib la’aan adigoo waddani dalka iyo dadka jecel isku haysta, aqoonyahan sheegta, wadaad diinta yaqaana ah, ganacsade maal haysta ah, dhallinyaro han leh ah, misana siyaasi rug caddaaya ah. Haddaan dooran waayey meesha aan ku dhashay, cidda aan ka dhashay, xaalladda aan ku dhashay iyo midabka aan yeeshay, haddana ma waxaan dooran waayey meeshaan degayo, cidda i xukumeysa, guurkeyga iyo sidaan u noolaanaayo.

Ma ilaahey ayaa iga jeclaaday gabadha ila eg ee ku dhalatay Dooxa, Dubai, Berlin, New York iyo Tokyo misa adeerkeed, walaalkeed, awowgeed iyo macallinkeeda ayaa ka fiican kuweyga. Aniga, ayeydeey iyo hooyadeyba yaa innoo dooray inaan ku korno, guursanno, kuna dhaqanno waddo isku mid ah, faqri ah, cabsi leh, addoonsi u eg, ciriirina ah. Sow adigii igu yiri meshaad ku dhalatay, ku dhalimeysid, waxey hooyada wayday, adigaa heli doona, sidey u dhimatayna u dhiman meysid, sow adigii igu yiri asaay qaadi meysid.

W/Q: Maxamed Alihttps://www.facebook.com/royalmidnimo/posts/10207625238068355





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip