Maxaad Kala Socotaa Maalqabeenadda Ka Soo Jeeda Soomaaliya Ee Ugu Taajirsan (Warbixin)

0
Wednesday August 30, 2017 - 13:05:41 in Maqaallo by
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Maalqabeenadda Ka Soo Jeeda Soomaaliya Ee Ugu Taajirsan (Warbixin)

    Somalia oo lagu sheego Dal Fashilmay, kana soo kabanayso Dagaalladii Sokeeye waxaa lagu ammaanaa dadaalkooda ku aadan noocyadda Ganacsiga. Maalqabeenadda Ganacsatadda ah ayaa waxay u kala qeybsamaan dhowr dabaq, waxaa jira kuwa dakhligooda hooseey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia oo lagu sheego Dal Fashilmay, kana soo kabanayso Dagaalladii Sokeeye waxaa lagu ammaanaa dadaalkooda ku aadan noocyadda Ganacsiga. Maalqabeenadda Ganacsatadda ah ayaa waxay u kala qeybsamaan dhowr dabaq, waxaa jira kuwa dakhligooda hooseeyo iyo kuwo uu dakhligoodu sarreeyo oo asaasay Shirkado Ganacsi oo kala duwan. Ganacsatadani waxaa sannadkiiba soo gala dakhli xad-dhaaf ah, oo marka xisaab ahaan loo eego lacagtooda noqonaysa ilaa 8 tiro, taasi oo lagu asteeyo Maalqabeenadda haysta Malaayiinta Dollar.

Magacyadda Maalqabeenadda ka soo jeeda Somalia kama dhex sharqamaan Maalqabeenadda Afrika, waxaana laga yaabaa inaadan hadda ka hor maqlin magacyadooda.

Majaladda FORBES ee inta badan diiradda saara Arrimaha Dhaqaalaha, isla markaana galaangal u leh Xogaha Qarsoon ee Taajiriinrta Milyoneeradda ah (Multi-Millionaires) ayaa waxa uu soo bandhigay 5-ta qof ee ka soo jeeda Somalia ee Milyoneeradda ah.

1- Abdirashid Ducaale waa Madaxa Fulinta ee Shirkadda Xawaalladda ee Dahabshiil, oo ah Shirkad Caalami oo in ka badan 24,000 oo Xafiis ku leh 126 dal, waxaana u shaqeeya in ka badan 2,000 oo qof.

Aabihiisa ayaa la sheegay inuu ahaa Asaasihii Shirkadda Ganacsiga Dahabshiil, isagoo dhidibada u dhigay bilowgii sannadihii 1970-aadkii

 

C/rashiid Ducaale oo 40-jir ah waxa uu haystaa Dhalashadda UK, waxayna Xarunta dhexe ee Shirkadda Dahabshil ku taalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ee Midowday (UAE).

Wargeyska FORBES waxa uu qoray in dakhliga Shirkadda Dahabshil ee sannadkii hore uu dhamaa hal billion oo Dollar ($1 billion)>

Shirkadda Dahabshiil Group waxay kaloo leeyihiin Bangi Ganacsi oo ka hawlgala gudaha Somalia.

C/rashiid Ducaale waxa uu leeyahay 95% saamiga guud ee Shirkadda Isgaarsiinta ee Somtel.

Waxa kale oo uu hanta ku leeyahay magaallooyinka London, Dubai iyo Hargeysa.

2-Cabdirisaaq Isaaq Iidow: Waa Asaasaha iyo saamileyda Shirkadda Isgaarsiinta ee Nationlink Telecom oo ah mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee ugu waa weyn gudaha Somalia.

Ganacsadahan waxa uu deggan yahay magaalladda Dubai, wuxuuna Shirkadda Nationlink asaasay sannadkii 1997-dii.

Shirkadda ayaa bixiya Adeegga Telefoonadda Mobaylka iyo Internet-ka, waxayna leedahay in ka badan 700,000 oo macaamil u ah Adeegyadda Nationlink.

3- Maxamed Abshir Cabdi: Waxa uu hantida uu haystay ka helay ganacsiga cuntada badda (seafood).

Waxa uu oleeyahay Shirkadda Kalluumeysiga ee Xaafun (Hafun Fishing Company) oo uu asaasay sannadkii 1992-kii.

Waxa uu ku leeyahay dhoofinta, qeybinta iyo iibinta wax-soo-saarka cuntada Badda, sida Aargoostada iyo Hilibka qalalsan ee Libaax Baddeedka (dried shark meat).

Shirkadda waxaa sannadkii soo gala dakhli ka badan 10-million oo Dollar.

4- Ismaaciil Axmed: Waa Asaasaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta Shirkadda Xawaaladda WorldRemit oo Xaruntooda Dhexe ku taallo magaalladda London.

WorldRemit waxay Lacagaha Xawaaladda ku bixiyaa si Online ah, waxayna Macaamiisha u sahashaa sidii ay Lacag ugu diri lahaayeen saaxiibadodoa iyo qoysaskooda ku nool dalalka kale.

Sannadkii 2015-kii, Hantida Shirkadda WorldRemit waxa uu ka sare maray 100 million oo Dollar.

 

5- Amina Mooge Xersi: Waalidkeeda waxay ahaayeen socoto ka soo tahriibay Somalia, waxayna deggeen Degmadda Bungoma ee Galbeedka dalka Kenya.

Amina waxay ku dhalatay, kuna soo barbaartay Bungoma, Markii ay kortay waxay ka shaqeyn jirtey Bakhaar ay Hooyadeeda ku lahayd gudaha dalka Uganda.

Amina Xersi oo 64-jir ah waxat haayan milkiyad u leedahay qaar ka mid ah dhismayaasha (Real Estate) ee magaalladda Kampala, oo ay ka mid yihiin Dhismaha Ganacsiga ee Oasis Shopping mall iyo Hotelka Laburnam Courts.

Waxay kaloo leedahay Warshad soo saarta Sonkorta rr lagu magacaabo Atiak Sugar Factory.

Waxay kaloo 120-million oo Dollar ku horumarinaysaa Wershad Sonkor oo ku taalla Gobalka Waqooyi ee dalka Uganda.

 

  ©Radio Dalsan

XIGASHO:- RADIODALSAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip