RASMI: Maxkamada Xalinta Khilaafaadka Sports Ee CAS Oo Soo Diiday Rafcaankii Real Madrid Ee Ganaaxii Ronaldo.

0
Wednesday August 23, 2017 - 10:22:39 in Sports News by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Maxkamada Xalinta Khilaafaadka Sports Ee CAS Oo Soo Diiday Rafcaankii Real Madrid Ee Ganaaxii Ronaldo.

    Real Madrid ayaa hore balan ugu qaaday in ay samayn doonto wax kasta oo ay awoodo si Cristiano Ronaldo looga qafiifiyo ganaaxii shanta kulan ahaa ee lagu riday kadib markii uu kaadhka cas qaatay isla markaana uu garsooraha riixay kulankii lugtii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa hore balan ugu qaaday in ay samayn doonto wax kasta oo ay awoodo si Cristiano Ronaldo looga qafiifiyo ganaaxii shanta kulan ahaa ee lagu riday kadib markii uu kaadhka cas qaatay isla markaana uu garsooraha riixay kulankii lugtii hore ee Spanish Super Cupka, waxayna Madrid hoga rafcaan ugu qaadatay xidhiidhka kubbada cagta Spain oo markiiba soo diiday rafcaankooda. Laakiin Real Madrid ayaa kiiskeeda gaysay maxkamada xalinta khilaafaadka Sports ee CAS.

Maxkamada CAS ayaa go’aan rasmi ah ka soo saartay ganaaxa Cristiano Ronaldo waxayna taageertay go’aankii ay guddida garsoorka Spain xidiga ree Portugal ugu ganaaxeen shanta kulan. Ronaldo ayaa hal kulan loogu ganaaxay kaadhkii casaa ee uu qaatay halka riixistii garsooraha uu ku mutaystay afarta kulan ee ganaaxa ah.

Sharciga xidhiidhka kubbada cagta Spain gaar ahaan qodobka 96 aad ayaa sheegaya in haddii uu ciyaartoy jidh ahaan u riixo ama uu dhibaato u soo gaadhsiiyo garsoore in uu mutaysan karo ganaax u dhexeeya 4-12 kulan taas oo keentay in Ronaldo lagu rido ganaaxa shan kulan ah.

Ronaldo ayaa haddaba soo seegay kulamadii Bernabeu ee Barcelona iyo kulankii Deportivo laakiin waxa uu sii maqnaan doonaa saddexda kulan ee La Liga ee ay Real Madrid ciyaari doonto kadib markii ay guuldaro kala soo laabtay rafcaankii ay u qaaadatay maxkamada CAS.

Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid ka maqnaan doona kulamada Valencia, Levante iyo Real Sociedad wuxuuna soo laaban doonaa kulanka September 20 ay Los Blancos la ciyaari doonto kooxda Real Betis.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip