Axmed Madoobe oo sameystay ciidan gaar ah

0
Sunday August 20, 2017 - 11:47:54 in Wararka by
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo sameystay ciidan gaar ah

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameystay ciidan gaar ah oo ka shaqeyn doona illaalinta ammaanka Madaxtooyadda Jubbaland iyo ammaanka Madaxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameystay ciidan gaar ah oo ka shaqeyn doona illaalinta ammaanka Madaxtooyadda Jubbaland iyo ammaanka Madaxda.

Ciidankaan ayaa tababar loogu soo xiray Xerada ciidanka Dalcada Luglaw ee Magaalada Kismaayo, kadib markii in muddo ah halkaasi tababar uu uga socday.

Mahad Xasan Cabdi oo ah Taliyaha ciidanka Madaxtooyadda Jubbaland, ayaa sheegay ciidankaan oo tababar gaar ah qaba inay ka shaqeyn doonaan Madaxtooyadda Jubbaland, sidoo kalena ay ilaalin doonaan Madaxda Maamulka.

Wuxuu sheegay muddo tababar inuu u socday ciidamadan, tababarkaasi oo si wanaagsan u soo dhamaaday, tijaabo laga qaaday ciidankana ay ku guulaysteen tababarka.

Ciidamada ayaa soo bandhigay dhoolatus ku aadan tababarka la siiyay iyo hanaanka madaxda ay u ilaalinayaan, waxayna balan qaadeen in Jubbaland si daacad ah ugu shaqeyn doonaan.

Taliyaha ciidanka Madaxtooyadda Jubbaland, ayaa wuxuu carabaabay inay jiri doonaan ciidamo kale oo si gaar ah tababar loo siin doona, kuwaasi oo lagu biirin doono ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa dadaal badan ku bixiyay inuu sameysto cudud Militari oo Jubbaland ay yeelato, maadaama ciidanka ay yihiin difaacayaasha Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip