Booliska Malta oo xiray Muwaadiniin Soomaaliyeed

0
Sunday August 20, 2017 - 11:13:31 in Wararka by
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Malta oo xiray Muwaadiniin Soomaaliyeed

    Ciidamada Booliska Jasiirada Malta ayaa xiray labo nin oo Soomaali ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay dambiyo kala duwan ay ka galeen dalkaasi,islamarkaana ay ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Jasiirada Malta ayaa xiray labo nin oo Soomaali ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay dambiyo kala duwan ay ka galeen dalkaasi,islamarkaana ay ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan.

Booliska waxa ay sheegeen in labadaan nin lagu eedeeyay in ay geysteen Fal xatooyo ah ,haddana ay ku socoto baaris.

Magacyadda labada Muwaadin ee Soomaaliyeed ee ay xireen Ciidamada Booliska Malta ayaa lagu kala Magacaabaa Shaban Aadan Jaamac oo 21 sano jir ah iyo Maxamed Xabiib Xaashi 22 sano jir ah.

Labaddaan nin ayaa lagu eedeeyay in ay dhaceen alaab uu watay nin u dhashay dalka Ruushka, islamarkaana ay Magaalada ku dhex carareen Ciidamada ayaana ugu dambeyntii ku guuleystay in ay soo qabtaan.

Kormeeri sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in raggaan sharciga la marsiin doono ,islamarkaana hadii dambi lagu waayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doono.

Jasiiradda Malta ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo qaarkood lagu eedeeyay in ay geysteen falal dil ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip