Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre in Puntland ay ka mid tahay Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay ay qeyb ka tahay Go’aanka dowladda dhexe ay u qaaday guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Isagoo sii wata hadalkiisa Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayuu tilmaamay in siyaasadda Arrimaha dibadda loogu geed fariisanayo Xukuumadda Dhexe isagoo shaaca ka qaaday in go’aankii dhawaan ay qaadatay Puntland ee ka soo horjeeday Mowqifka dowladda Soomaaliyeed uu u muuqdo mid dano gaar ah ku qotoma sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Mowqif Dhex dhexaad ah iska taagtay Siyaasadaha isdiidan ee wadamada Khaliijka Carabta , walow Maamullada Puntland iyo Soomaaliland ay ku dhawaaqeen go’aan ka duwan kan dowladda Dhexe ee Soomaaliya.