Kooxo hubaysan oo dil ka gaystay Magaalada Jowhar

0
Saturday August 19, 2017 - 11:18:04 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubaysan oo dil ka gaystay Magaalada Jowhar

    Dabley hubaysan ayaa goor dhaw waxa ay dil ka gaysteen Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubaysan ayaa goor dhaw waxa ay dil ka gaysteen Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Jowhar.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar, waxaana la dilay nin shacab ah oo Tima Jare ka shaqeynaayay, kadib markii dhawr xabadood ay ku dhufteen dableydii hubaysnaa.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Saalim Sayid, wuxuuna ka mid ahaa dadka xirfada Tima jarista ku shaqeysta, inkastoo illaa hadda aanan la ogeyn dilkiisa wuxuu salka ku haayo.

Raggii hubaysnaa ee dilka gaystay oo watay Bistoolado, ayaa ka baxsaday goobtaasi markii dhawr xabadood ay ku dhufteen Cabdalla oo halkaasi ku geeriyooday.

Cabdalla Saalim Sayid, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Somalidii ka soo laabatay dalka Yemen oo dagaalo awgeed ay uga soo carareen dalkaasi, Jowharna uu dib ugu soo laabtay halkaasi oo uu deganaa.

Booliska oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay wadaan Baaritaan la xiriira sababta loo dilay ninkaan rayidka ah.

Kooxaha Bistooladaha dadka ku dila ayaa ku badan Magaalooyinka Somaliya, gaar ahaan Koonfurta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip