ISTICMAALKA TALEEFANKA (Faallo Kooban)

0
Wednesday August 16, 2017 - 17:58:27 in Maqaallo by
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ISTICMAALKA TALEEFANKA (Faallo Kooban)

    ISTICMAALKA TALEEFANKA Isticmaalka taleefanka iyo adeegyada loogu tala galay in lagu fuliyo ma ahan wax ay dadka badankiisu wada yaqaaniin waa marka la fiiriyo Somalida sida ay u adeegsato aaladaan ILAAHEY ugu deeqay dadweynaha adduunkaan ku nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ISTICMAALKA TALEEFANKA Isticmaalka taleefanka iyo adeegyada loogu tala galay in lagu fuliyo ma ahan wax ay dadka badankiisu wada yaqaaniin waa marka la fiiriyo Somalida sida ay u adeegsato aaladaan ILAAHEY ugu deeqay dadweynaha adduunkaan ku nool. Waxaa aan isku dayay inaan garto sababta aan uga gaabinay garashada habka ugu fiican ee loo adeegsan karo tashiilaadka taleefanka.
Dadka aan ka hadlaayo waa kuwa aan la dhaqmay oo ka kooban Somali iyo Carab ood moodo inay waxbadan ee la xiriira dhaqanka ay wadaagaan, siiba taleefanka iyo hu-isticmaalkiisa. Waxaa ka dhexeeya caadada ah inaan badanaaba laga qaban soo wacaha sabab la’aan..waxay dadka qaar ku fasireen tallaabtaan mid qofkaas ka dhigeysa nin weyn oon taleefan lagu heli karin ama aan badanaaba ka jawaabin wicitaanka…kasoo hadduu xataa markaas qaban waayo taleefamnka uusan dib ugu celin qofki soo wacay, waxayna dadka qaar ay ku fasireen islaweyni xambaarsan kibir.

Waxaan soo xasuustay berigii aan dhiga jirnay dugsiga dhexe ayaa waxaa la keenay filim aad u buunbuurni jireen wargeysyada Talyaaniga oo la dhihi BOCACCIO oo ay atiriisha ka ahayd Sofia Loren- Marki la kenay filimki oo aan aragnay ayaan la yaabnay waxa uu ka hadlaayo iyo inuusan ahayn wixi aan fileynay…markaasaan wediinay maalinti dambe macallinki af-talyaaniga, laakin jawaabtiisi maalintaas aan maanta soo xasuustay oo ahayd ”filimkaan ma ahan mid adinka laydinku tala galay waayoo dhaqankiinu waa ka duwan yahay wuxuu filimku ka hadlaayo ..waxaa tihiin dad jecel cunfiga, dagaalka iyo inaad fiirsataan burbur iyo balaayo dheceysa..ma ihidiin dad wax dhegeysta ama isku shuqliya inay fahmaan caadooyinka umadaha kale leeyihiin” Maanta waxaan hubsaday in taleefannada iyoi horumarka addunku gaaray annaga nooma soo dhawa, wixi loogu tala galayna weli si fiican noogama dhaadhicin. Waxaa jira hal ku dheg dhahaaya ”DHAR MAGAALO SI LOO XIRTO WAA SAHAL LAAKIN DHAL MAGAALO SI LOO NAQDO MA DHAWA” Somali weli waaga uma baryin maalintuu noo baryana laga yaabee in addunkuba dhammaday!!!

W/Q:-Axmad Calasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip