Hordhac: Barcelona vs Real Sociedad: Bulgarana Oo Rajeyneysa Iney Sii Xajisato Hogaanka Horyaalka La Liga
Kulanka: Barcelona vs Real Sociedad
Tartanka: La Liga
Garoonka: Camp Nou
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Kooxda martida loo yahay ee gobolka Catalonia ka dhisan ayaa caawa weyneysa da’yarkeeda sixirka ah Sergio Roberto kaas dhaawac uu kasoo gaaray kulankii Roma ee Champions League-ga, Mascherano oo seegay kulankii Roma ayaa la filayaa inuu shaxda Enrique dib ugu soo laabto.
Asier Illaramendi ayeysan u suuragali karin inuu ka hor yimaado Barcelona madama uu todobaadkii hore qaatay jaalihisii 5-aad wuxuuna ku seegayaa kulankaan Ganaax.
MSN ayaa markii ugu horeysay kulan ka tirsan La Liga kusoo wada bilaabanaya mudo kadib madama tan iyo markii uu Messi dhaawacmay aysan kusoo wada bilaaban hal kulan.
MA OGTAHAY?
Real Sociedad ayaa tustay Barcelona sida ay ugu adag tahay madama labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ay kaliya hal kulan ka badisay afar jeer oo ay is arkeen dhamaan tartamada oo dhan.
40-jeer oo ay labadaan kooxood is arkeen, Barca ayaa badisay 26-jeer, halka Sociedad ay badisay 7-jeer, 7-jeerna barbaro ayey ku kala baxeen, dhamaan kulamada ay Sociedad badisay waxey ku keensatay gurigeeda.
Barcelona:
Bravo, Pique, Alves, Mascherano, Alba, Rakitic, Busquets, Iniesta, Suarez, Neymar, Messi
Real Sociedad:
Rulli, Gonzalez, Martinez, Berchiche, Elustondo, Bruma, Prieto, Pardo, Canales, Bergara, Agirretxe
Hordhac: Barcelona vs Real Sociedad: Bulgarana Oo Rajeyneysa Iney Sii Xajisato Hogaanka Horyaalka La Liga
Barcelona ayaa damaceedu yahay iney xajisato hogaanka horyaalka La Liga marka ay gurigoda kusoo dhaweeyaan kooxda Real Sociedad maanta. Kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa dooneysa iney markeedii lixaad oo xiriir ah caawa badiso, halka Real Socieda